Calendar

Wiil Soomaali ah oo fal argagixiso loogu xiray dalka Mareykanka.

Mohamed Osman Mohamud.

Mohamed Osman Mohamud.

Mohamed Osman Mohamud oo ah ah 19 Jir Soomaali ah, haystana dhalashada dalka Mareykanka ayaa lagu xiray Gobalka Oregan gaar ahaan Magaaladda Portland  Maalintii Jimcaha 26 Nofembar, 2010 saacadu marka ay aheyd 5:42 P.M fiidnimo.
Ciidanka Amaanka, kuwa danbi barista iyo booliska magaaladda Portland ayaa wiilkan Soomaaliga xiray kadib markii ay dabagal joogto ku hayeen in mudo ah iyadoo xilliga la xiray uu ku hadlayay Taleefoon la aaminsanyahay in uu ku diyaariyay  walxaha qarxa ee uu wiilkani damacsanaa in uu isticmaalo.
Wiilkan oo deganaa xaafadda Corvallis oo dhinaca koofureed kaga beegan magaaladda Portland ayaa lagu eedaynayaa in uu damacsanaa in uu baabuur ay kabuuxaan walxaha qarxa ee loo yaqaano bambaanooyinka in uu ku qarxiyo, lana beegsanayay goob ay ku kulmayeen kuman yaal qof. Goobta ay dadku ku kulmayeen oo loo yaqaano Poineer Courthouse Square ayaa ku talaa faras magaalaha magaaladda Portland ee gobolka Oregan.
Sida ku cad dokumentiyo ay ku qoran yihiin danbiyadda lagu eedaynayo wiilkan, bartilmaameedka uu wiilkani kutala jiray in uu qarxiyo ayaa  waxaa ka dhacayay xaflad u furan dhamaan dadweynaha oo la isugu iman lahaa si loo shido nalal ku xiran geedka ciidda masiixiga ee Christmas.
Fagaarahan, waxaa soo buuxin lahaa ama xaadir ku ahaa, dad aad u tiro badan oo ay kamid yihiin caruur, qoysas iyo bulsho weynta magaaladdaas iyo nawaaxigeeda degan. Hase ahaatee, bomb-ka uu wiilkani rabay in uu qarxiyo  ayaa ahaa mid aan shaqeynayn, oo ay u soo dhiibeen askar dhar cad ah, wiilkana in mudo ah la shaqynayay iyaga oo dabagal ku hayay.
Wiilkan ayaa maxkamad la horkeenayaa maalinta Isniinta ah isaga oo danbiga lagu soo oogayo uu yahay mid la xiriira falal argagixiso. Warqada dacwooyinka loogu soo oogayo wiilkan ee laga xareeyay maxkamadda dhexe ee magalaada Portland, Oregan ayaa waxaa ku cad in la rabo in uu wiilkan lagu xukumo xabsi daa’im iyo ganaax gaaraya lacag dhan $ 250,000, waa haddii uu danbigu ku cadaado wiilkan.

Halkan kala soco wixii akhbaar dheerad ah ee ku soo kordha arrintan.

Abdirahman Mukhtaar

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Minnesota, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: