Calendar

Xubno ka tirsan Baarlamanka Uganda oo ka digay weerar aargoosi ah oo Al-qaacida ku soo qado

ugandaBARTAMAHA NEWS Xubno ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa ka digay weeraro ka dhaca wadamada Soomaaliya dariska lah kuwaasoo ay sheegeen inay damacsan yihiin Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalanta Xubnahaan oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay  magaalada Kampala ee xarunta wadankaasi Uganda ayaa waxay ku sheegeen inay soo dhaweynayaan tilaabadii lagu dilay hogaamiyihii Al-Qacida Cusama Bin Laden.

Hase ahaatee waxay sheegeen inay ka digayaan weeraro loogu aar gudayo inay ka dhacaan wadamada Soomaaliya dariska la ah gaar ahaan wadanka Uganda Xildhibaanad Alica Aloso oo ka mid ah baarlamaanka Uganda lana hadashay warbaahinta kulanka kadib ayaa sheegtay inay dawlada ugu baaqayaan inay sameeyaan dadaal iyo feejignaan gaar ah waxayna intaa ku dartay in Al-Shabab maagan tahay inay fuliyaan weeraro loogu aar gudayo Cusama Bin Laden.

Hogaamiyihii Al-Qacida Dawlada Uganda oo ka mid ah wadamada ay Soomaaliya ciidamada ka joogaan ayaa dhawr jeer digniino ka soo saartay Xarakadda Al-Shabab iyadoona uu sii kordhayo walaaca ay qabaan dawladaha Soomaaliya dariska la ah kadib geeridii Bin LadenDawlada Kenya ayaa iyana sheegtay inay amaankeeda suganayso lana kordhinayo ciidamada illaalada xaduudaha.

Sidoo kalena dawlada Burundi ayaa sheegtay inay si gaar ah indhaha ugu hayso xaaladaha amaan ee wadankeeda waxaana wasaaradda arrimaha gudaha ay sheegtay in ciidamo badan la dhigay wadooyinka magaalada Bujumbura ee caasimada wadankaasi

Sharmaake ahmed siciid
East africa kampala uganda

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: