read more »">
Calendar

Maxaad ku caawin kartaa wiilkan yar ee ay Xabaddu naafeysay (MUUQAAL ARAGTI AH)

Bartamaha (Kuala Lumpur, Malaysia):-Maxamed Xuseen Maxamed wuxuu ahaa Arday wax ka barta Dugsiga Ma’muur ee magaalada Muqdisho, wuxuuna haatan yahay dhibane ay naafeysay xabad ku dhacday, haatanna waxaa uu ku sugan yahay Isbitaal ku yaalla Magaalada Kuala Lambur ee dalka Malaysia, halkaasi oo loo geeyay in lagu daweeyo balse ay dhaqaale la’aan ku qabsatay.

Dhibanahan oo uu Magaalada Kula Lambur la joogo Abtigiis oo lagu magacaabo Thaabit ayaa waxaa uu u baahan yahay in laga saacido dhaqaale uu ku xiray Isbitaalka uu ku jiro oo ay dhaqaatirta Maxamed daweyneysa sheegeen in dhaawaciisa wax laga qaban karo, hayeeshee uu u baahan yahay in uu Isbitaalka ku jiro muddo sanad ah.

Halkan hoose ka daawo Muuqaal Video ah oo laga soo duubay dhibanaha oo ku saabsan sida dhibka uu u heystoo iyo waxyaabihii horay loogu qabtay iyo waxa uu u baahan yahay in loo sameeyo si uu caafimaadkiisa dib ugu helo.

http://www.youtube.com/watch?v=K3C9let9yPs&feature=player_embedded

Haddaba waxaa cid walba oo gacan-siin karta dhibanahan waxaa laga codsanayaa in ay la xiriirto dhibaha Abtigiis Thaabit oo lagala xiriiri karo.

Kala xiriir dhibanaha Abtigiis Thaabit
0060129356092
Ama
Email [email protected]

Saciid Cumar Baafo
[email protected]
Kuala Lambur, Malaysia

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Maqaallo / Articles, The Story, VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: