Calendar

Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay sababtii shaqada looga joojiyay shirkadii SKA ee maamuli jirtay Ayraboorka

Xukuumada Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay sababaha keenay in Maamulka Garoonka diyaaradaha ay ka wareejiyaan Shirkada SKA oo muddo saddex sano maamuleyso garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in shirkada SKA ay shaqada ka wareejiyeen markii ay fulin weyday waxyaabihii lagu balamay.

“SKA meesha wax badan ayay maamuleysay ma fulin wixii lagu balamay, garoonkana waxba ma aysan ka qaban saddexdii sano ee ay howsha heysay”ayuu yiri C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka hadlayay Barnaamijka Kulanka Jimcaha ee ka baxa Radio Muqdisho.

Mar la weydiiyay sida ay ku xusheen in Shirkada Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga in howsha garoonka ku wareejiyaan ayuu tilmaamay inay u soo bandhigtay waxyaabo lagu qanci karo oo ah in garoonka la ballaariyo, dib u dhisna lagu sameeyo.

“Markii aan is bar bar dhig ku sameynay saddexdii sano ee SKA howsha heysay iyo Favori waxay soo bandhigtay waxaa u daneyneyna cida dalka wax u qabaneysa Favori sideed bilood ayay dhismo qeyrul caadi ah ka fulineysa garoonka, ka sokow inay meesha maamulayaan waxay noo soo bandhigeen Map garoonka dhismahihiisa si casri ah looga dhigayay”ayuu yiri C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Waxaa uu sheegay in aanay ka aheyn in nin jecleysi ay ugu dhiibeen Favori, isagoo xusay in Turkiga la og yahay in dalka wax la taaban karo ka qabto, shirkadan ay tahay mid laga leeyahay dalka Turkiga.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in shirkada Favori ay bilowdo inay dib u dhis ku sameyso garoonka, isla markaana si casri ah oo la mid ah garoomada caalamiga ah ay u dhisto sida uu yiri.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinta Axada uu ka doodo heshiiska Shirkada Favori ay loogu wareejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kadib markii la eryay shirkadii hore ee SKA, iyadoo baarlamaanka lagu wado inuu cod u qaado ansixinta heshiiskaas.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: