Calendar

Yusuf Indha Cadde oo ka hadlay Banaanbaxyadda Magaaladda Muqdisho ka socda..

SOMALIA

Jen, Yuusuf Siyaad Indha Cadde ayaa ku tilmaamay banaan baxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho kuwo la soo abaabulay, isagoo sheegay in dhaqaalo fara badan lagu bixiyay, isla markaana looga gol lahaa in lagu bur buriyo Heshiiskii Kampala.
Mar uu ka hadlayay Indha cadde banaanbaxyadda iyo shirkii Dalka Uganda ka dhacay waxa wuxuu yiri “Shirkii Kampala waxaa lagu xalliyay khilaaf jiray – waana soo dhaweynayaa,” ayuu Jen. Indhacadde oo intaas ku daray, “Banaanbaxyada ka socda Muqdisho waa kuwo ay abaabulayaan xubno dowladda ka tirsan, dhaqaale badan ayaana lagu bixiyaa.”
Mudaaharaadyada Muqdisho ka dhacay waxay sababeen qaraxyo iyo dhibaatooyin kale, waxaana rumeysanahay in dadka abaabulaya ay u shaqeeyaan Xarrakada Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Sidoo kale, Jen. Indhacadde wuxuu sheegay inuusan garanayn sababta loogu bannaanbaxayo ra’iisul wasaare Farmaajo oo uu sheegay inuusan ka waxqabad badnayn ra’iisul wasaarayaashii ka horreeyay ee xilalka laga qaaday.
“Ra’iisul wasaarayaashii hore oo ay ka mid ahaayeen Nuur Cadde oo badbaadiyay suuqa Bakaaraha, Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo laga qaday xilalka looma bannaanbixin, waxaan garan waayay sababta Farmaajo loogu bannaanaxayo, isagoo aan ka waxqabad badnayn ra’iisul wasaarayaashaas,” ayuu Jen. Indhacadde is-weydiiyay.
Su’aal ahayd sida uu u arko in go’aanka is-casilaadda Farmaajo lagu xiray go’aanka uu baarlamaanka ka gaaro qodobbada shirkii Kampala ayaa sheegay inuusan horay uga sheegay Qarammada Midoobay iyo dalka gudihiisa inuusan jirin baarlamaan wax dooran kara, uuna la yaaban yahay sababta uu maanta ugu xirayo xil ka dagistiisa.
“Farmaajo waxaa laga sugayaa inuu fuliyo heshiiska lagu gaaray Kampala, haddii uu fulin waayo waxaa qabanaya heshiiska, waxaana lagu soo rogi doonaa cunno-qabateyn, tallaabooyin kalena waa laga qaadayaa,” ayuu yiri Jen. Indhacadde.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Madaxweyne Shariif uu ku eedeeyay shaqsiyaad gaar ah inay abaabulayaan banaan baxaas, isla markaana ujeedo gaar ah laga leeyahay, waxaana uu cadeeyay in dhaqaalaha banaan baxyada lagu bixinayo la geliyo dalka ama lagu tabarucu dadka tabaaleysan ama ciidamada dhaawacan.

Bartamaha Muqdisho

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: