Friday, March 20, 2015

Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo xukuno ku riday askar ka tirsan ciidanka DFS

Beledweyne(Bartamaha) Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ee magalaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan. Maxkamadda ciidanka qalabka sida  ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa la horkeenay  10 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku kala eedeysnaa […]

xukun

xukunBeledweyne(Bartamaha) Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ee magalaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan.

Maxkamadda ciidanka qalabka sida  ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa la horkeenay  10 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku kala eedeysnaa gacan ku dhiiglanimo,amar diido iyo sidashada hub sharci darro ah.

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee magaalada Beledweyne oo u fariisatay qaadista dacwada loo haystay askartan ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa  soo saartay xukuno kala gadisan oo ku dhacay eedeysanayaashii la horkeenay .

Maxkamadda  ciidanka qalabka sida ayaa ku xukuntay askartii lagu helay iney dileen qofka rayidka ah iney bixiyaan diyada qofkii ay dileen maadaama ay dilka geysteen xilli sida ay maxkamaddu sheegtay ay ku dabajireen rag ka tirsan Al-shabaab.

Askarta kale ayaa waxaa lagu xukumay xabsiyo u dhexeeya Lix bilood ilaa Sanad xabsi ciidan ah,Maxkamadda ciidanka qalabka sida ayaa mudooyinkii danbe gobolada dalka ka waday maxkamadaynta ciidamada xoogga ee fal danbiyeedyada geysta.

 

Bartamaha Beledweyne

Comments

comments

You may also like

0 comments

Leave a Reply

Sign In

Register

Reset Your Password

Email Newsletter

cccc