Calendar

Al-shabaab oo 6 ruux oo isku qoys ah ku dilay degmada Luuq ee gobolka Gedo

al shabaab

Gedo (Bartamaha) Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Al-shabaab ay Tuulo hoos timaada degmada Luuq ay ku dileen 6 ruux oo isku qoys ah kadib markiin ay xalay ku weerareen gurigii ay daganaayeen.

Taliyaha Saldhigga booliska degmada Luuq oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in xalay saqdii dhexe koox ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen guri ku yaalla Tuulada Abaqley oo 28-KM u jirta degmada Luuq.

Taliyaha ayaa sheegay in guriga la weeraray uu lahaa nin shacab ah oo beeraley ahaa,wuxuuna xusay iney Al-shabaab goobta ku dileen ninkii hoyga lahaa, Xaaskiisii, Saddex Carruur ah oo uu dhalay iyo Xaaskiisa Hooyadeed,wuxuuna sheegay in dhammaantood ay dhinteen.

Taliyaha ayaa sheegay iney saaka gaareen goobta uu dilku ka dhacay oo ah Tuulada Abaqley oo qiyaastii 28-KM u jirta degmada Luuq ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Bartamaha Gedo

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment:

cccc