Calendar

Maxaa la gudboon xukuumada Farmaajo ee kalsoonida heshay???

Wasiirada Xukuumada Farmaajo oo la dhaarinayo.

Wasiirada Xukuumada Farmaajo oo la dhaarinayo.

Waxaa dadka somali si xoog leh ugu hawl galay in xukumadan barlamaanku ansixiyo.

dumar badan, culumaa’udiin,  ganacsato, aqoonyahanno, odeyaal , dhallin yaro, qurba joog iyo dalka gudihiisa joog , siyaasi iyo siyaaso ka- warqaba  waxaa loo wada guntadey  hirgalinta xukuumadan,  waxaa la jabiyey heeraaradii laga shaqaynayey mudo dheer in la kala dhex dhigo beelaha somaliyeed.

Waxaa mar kali ah farta lagu wada fiiqay oo joog la yiri xumaato koobciyeyaalkii  u bartay tumida  buunka beesha.

Waxaa  shacbiga somaliyeed dib u doonay oo ku gulaystey soo ceshoshada awoodiisii.

wuxuu muujiyey shacbiga somaliyeed in an laga guulaysan Karin markuu garwaaqsado in u isku dan yahay  oo dantaa u wada istaago.

Waxa shacbiga somaliyeed isu keenay  oo u ugu wada guntaday  ayidaada xukuumadan  waa

  • aaminaada  xubnaheeda oo an ahayn kuwo afkooda iyo gacmahooda an midna dhiig ka da’ yn sida kuwii horay loo arki jirey  
  • waa aqoonta  an u ijaarreyn quwado shisheeye iyo maafiyada caalamiga ah
  • waa   ka adkaysiga  ku xabgaysiga  kala qaybinta shacbiga iyo tafaariiq u iib geenta danihiisa asaasiga ah
  • waa ka filasho dhallinta in ay u abaal gudaan dalkii iyo dadkii u suuro galiyey in ay noqdaan waxa ay maanta yihiin(aqoonyahanoo caalami ah).
  • Waa u hiillin iyo xaal marin 40tameeyadii  hooyo ee  dhulka xaaqayey  ee la qarxiyey,  ardadii iyo macallimiintii la suuqay, dhallinta lagu jirrabay bada in ku haftaan, dadka rac-rac lo barakiciyey i.w.m.
  • Waa u hiillin qof kasta oo dalkaan iyo dadkiisa wanaag la jeclaa oo wax u huray mid dhintay iyo mid noolba.

Intaa dabadeed waxay ila tahay in la xasuusio xubnaha  wasiirrada noqday  in ay  muujiyaan  in hiillada somaliyi siisay ay u qalmaan oo an lagu hungoobin. Waxaan leenahay kooxdan waxaa  dusha la idinka  saaray  xil culus waxaadna ku shaqaynaysaan xaalad adag oo dad badani oo daacad ahi aynaba oggoladeen in ay ku shaqeeyaan ayagoo ka cabsanaya in la fashiliyo dadaalkooda  ama naftoodaba in ay ku waayaan u cabsanaya.    Ugu horrayn anigu waxaan, sida somali badankeedba, u rajeynayaa xukuumadan guul.

Waxaa intaa dheer  in  dadka  badani qabo in sida xukuumadani  ay u guulaysan kartaa ay tahay:

  1. In ay  team(koox ahaan ) ahaan u wada shaqayso  ee an wasiirba meel  gaar ah kala bixin xilka u ku magacaaban yahay  oo an suuqa  midba wax –ka-sheega mid kale la wareegin.
  2. In xubin kastaa amiinto kuna shaqayso in ay mas’uul u tahay shacibiga Somali oo idil oo sare kacdo qoys iyo hoosrooreyaal ehel iyo beel ku beer  laxawsadamarkay god ku ridaana ka dhaqaajiya
  3. In ay hesho qaab ay xerada Villa somalia iyo jidka maka mukarrama uga gudubto oo dadka somaliyeed ku gaarsiiso  barnaamijkeeda  taageero wax tar lehna  uga hesho.
  4. In ay raadiso in midnimada xubnaha barlamaanka , u jiido barlamaanka xagga aragtida qaranimo lana shaqayso si looga gudbo suuq geela barlaanku hadda yahay
  5. Xukuumada waa in shacbiga Somali meel u joogaba garsiiso afkaarteeda oo isku xiranto dadka  gobollada oo dhan ee ayna isku koobin inta yare e xamar ay ka joogto oo kali ah.  
  6. In taageero dhaqaale oo sugan raadsato si ay hawlaheeda u fuliso, noqotana laftigeedu(dowladu)mid hufan,   urursann oo leh  xisaabtan dhaqaale oo cad oo loogu soo hagaago ee an la arkin dad  jeebka  ku-shubanaya shilikii baryo lagu soo helay 
  7. In ay xoojiso cududeeda milliteri  ciidankeedana ka saarto qaab beeleedka  oo isku misho.
  8. arrintan waa in ay ka kaashataa xeeldhereyaal millitari  oo aaminsan aragtideeda sugtaana sahayda iyo saanada ciidanka ee ay ka saartaa cidanka daacada u ah daryeel-xumi   la- cararka.
  9.   Xukuumada , ayadoo ku salaynaysa hawsheeda danta somaliyeed oo kali ah, waxaa looga baahan  yahay in ay waan- waan la gasho cid kasta oo rajo wada xaajood iyo xukun wadaag doonaysa cidii diidana si adag iskaga caabisaa
  10. Hukumadu waxa kale oo looga baahan yahay in si buuxda ay u tageerto kooxaha ayada taageeraya   

   

Dadka Somali waa ka baxsan yahay oo si fiican yuu u garanayaa baaxada dhibaatada taagan  filana maayo in dowladani mucjiso la imaanayso oo waqiga yar ee  u haray ay wax walba ku hagaajinaso lakiin wuxuu filanayaa oo ka doonayaa  in  ay dhigto asaas  jiho san u jeeda oo wax laga sii wadi karo mustaqbalka.

 Cabbas  Cabdi Cabdullahi

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles.
« »

Comment: