Calendar

Askarta Dowlada oo baaritaana ka bilaabay Wadooyinka Muqdisho.

4Bartamaha(Muqdisho):-Howlgal baaritaan ah ayay Ciidanka Dowlada ka wadaan Wadooyinka Muhiimka ah iyo Xaafado ka mida Degmooyinka Muqdisho.

Askarta Booliiska ayaa waxa ay saaka howlo baaritaan ah kula dhaqaaqeen dadka iyo gaadiidka maraya wadada Makka Al Mukarama Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxa uu si toos ah uga socanayaa Isgoyska Dabka halkaasi oo aanay ka gudbayn qof aan marin baaritaanka Booliiska Dowlada.

Dhammaan gaadiidka u gudbada iyo midka ka soo imaanaya dhanka Bakaaraha ayaa waxa la marsiinayaa baaritaan xoogan oo ay Ciidamada samaynayaan.

Dhanka kale Howlgal baaritaan ah ayaa waxa ay Askarta Dowlada ka sameeyeen Xaafad ka mida Degmada Xamar Jajab halkaasi oo ay shakki ka qabeen.

Dhismayaal badan ayay Cidiamada isku gadaameen iyagoo galay guryahaasi ka dibna ay kala bexeen dhalinyaro lagu sheegay kuwa ammaanka halis ku ah.

Wixii Baaritaanka socanaya ku soo kordha www.Bartamaha.Com kala soco Insha allaah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: