Calendar

Muqdisho oo saaka dagan iyo qasaara badan oo ka dhashay Dagaal Xalay ka dhacay.

DSC06879BartamahaMuqdisho):-Xaalada guud ee Magaalada Muqdisho ayaa dagan ka dib dagaalo qaraar oo shalay iyo Xalay ka dhacay Degmada Hodon.

Saaka dadka reer Muqdisho waxa ay ku soo tooseen jawi daganaansha ah ka dib dagaal iyo duqeyn ba’an oo Xalay iyo shalay ka dhacday Xaafadaha Degmada Hodon.

Dagaal qaraar ayaa Xalay fiidinimadii hore dib uga qarxay xaafado ka mida Magaalada Muqdisho gaar ahaan saldhigyo shalay ay qabsadeen Ciidanka Dowlada oo ku yaala Degmada Hodon.

Islaamiyiinta ayaa waxa ay soo qaadeen weerar xoogan oo ay u adeegsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan gaar ahaan qoryaha Lidka Diyaaradaha oo si xun logu garaacay meelo badan oo magaalada ah.

Dagaalka Xalay ka dhacay Xaafadaha Terbuunka iyo hareeraha saldhiga Hodon ayaa waxa uu ahaa mid ka xoogan kii shalay ka dhacay waxa uuna sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Inta la ogyahay waxaa geeriyootay 11-qof ku dhawaad 50-qof oo kalana Isbitaalada ayaa la dhigay mrkii rasaasta iyo madaafiicda ay ku haleeshay xaafadaha Waabari,Hodon iyo Howl-Wadaag oo rasaasta labada koox ay wax ku laysay.

Isku soo duub Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa caadi ah waxaana warar hoose ay sheegayaan in Ciidanka Dowlada ay dib uga soo gurteen gobo ay shalay kala wareegeen Islaamiyiinta Mucaaradka ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: