Ayaamo Xasuus Mudan. Maqaal (Daawo Sawirada)
“Qormadaan ma ahan Maqaal, aniguna ma ahi Qoraa, runtii waa markii iigu horeysey oo wax saan oo kale ah aan Qoraayo, waxaa laga yaabaa ineysan ku cajabin Qormadu, laakin markii aan dib u jaleecey Nimcadii ilaahey Somalia ku minneystey sanadkii 2010 iyo barwaaqadii baahsaneyd ee la heley sanadkii tagey, ayaan lala simi karin Dhibka iyo Abaarta baahsan ee sanadkan 2011 uu ku jiro Dalkeennii, runtii Nafta ayaan ku samri is lahaa Qormadaan iyo Sawiradeedaba, ee hadii eysan ku cajabin u dulqaado”.
Waxay Ahayd sanadkii 2008dii, bishii November 19keedii markii aan dib ugu laabtey Somalia, anigoo markaas ka soo maqanaa 9 sano oo aan ku noolaa Dalka Masar, anigoo halkaasi wax ka baran jirey Jaamacadda Al-Azhar kuliyadeeda Beeraha.
afarkeyga ayaa markaas ku saabsanaa inaan la soo ciido oo soo arko Familkeyga iyo waliba Somalia gaar ahaan magaalada aan ku soo korey oo aan ku soo dhameeyey Dugsiga sare, magaceedana aan ku soo heley Scholarshipka aan jaamacada ku dhameeyey, waa Magaalada taariikhiga ah ee Qardho.
Waxaan halkaas soo joogey muddo labo bilood ah, anigoo sidoo kale tagey oo soo arkey magaalooyinka kale ee Bosaso oo aan markii horeba diyaaradda uga degey iyo magaalada Garoowe oo Maamulka Puntland Caasimadda u ah, nasiib darro waqtigaas ma tagin magaalada Gaalkacyo waqtiga oo igu yaraa owgiis.
Waxaan waqtigaas arkey isbaddal aad u weyn oo ku yimid kaabeyaasha dhaqaale ee dalka, gaar ahaan Dhismayaasha Khaaska ah, Hoteelada, Ganacsiga, Socdaalka, iyo waliba Dhinaca C/fimaadka.
Safarkaas ayaan ka dib waxaan go’aan sadey inaan si toos ah ugu guuro Somalia oo aan fursado Shaqo oo badan watigaas ku arkey, iyo waliba Ixtiraam loo hayo qofka wax bartey ee waliba isagu ku soo noqda dalka si uu uga shaqeysto.
Mudadaas ka dib waxan ku soo noqdey Dalka Masar, aniga oo runtii niyadda ku haya wixii aan soo arkey, laakiin wali saluugsan ama ka welwelsan ku noqoshada Soomaaliya, (Sida dad badan ey ila qabaan) laakiin waxay ahayd isla Bishii November ee sanadkii ku xigey ee 2009kii markii aan boorsadeyda ka xir-xirtey magaalada Qaahira oo aan si toos ah go’aan ugu gaarey inaan u guuro oo u wareego dalkeygii hooyo, iyo halkii ey gacal iyo walaaladey joogeen, anigoo runtii aan hubin waxa dhici doona iyo waliba in shaqadii iyo noloshii aan Somalia ka soo raadsadey aan ka heli doono iyo in kale.
Ka dib markii maalinkii ugu horeeyey aan Boosaaso ka degey ayaan ku degey isla hoteelkii aan asxaabta badan ku soo sameystey safarkii hore, anigoo wacay numberadooda mobilladooda, ayaan labadii habeen ee ugu horeysey si aad ah uga wareystey shaqooyinka iyo fursadaha yaalla dalka, ayaga oo iigu soo koobey (Shaqo waayi meysid ee fursadaada sug)..
Waxbarashadeyda ayaa runtii ahayd mid Soomaliya looga shaqeyn karo, ama Hey’ad u shaqee ama Maamulka jira la shaqeeye, aniga oo ku soo takhasusey ama soo bartey (Xanaanada Xoolaha), taas ayaa ii sahashey aniga oon wax badan joogin inaan ku biiro oo ka noqdo xubin ururka Xanaanada Xoolaha ee Puntland oo magacooda loo yaqaanno (PULPA), kuwaas oo shaqadii ugu horeysey oo ahayd shaqo ey sameysey Hey’adda FAO-Somalia oo lagu daaweynaayey Xoolaha buka ee Puntland.
Runtii kooxdii la igu darey inaan la soo shaqeeyo waxaa loo direy Deegaanka Nugaal, gaar ahaan Zooneyaasha (Sin-u-Jiif, Dangoroyo ilaa degmada Qarxis) waxaa hadafka naloo dhigey ahaa in aan soo daweyno xoolo dhan 35.000 oo neef oo iskugu jira Geel, Ari, iyo Lo’, ayadoo naloo kireeyey Gaari noociisu yahay Land-Cruiser, na geyneysa meel walba oo laga shaqeynaayo, gaariga ayaa waxaa nooga buuxa daawooyin runtii aad u tayo badan oo xooleheenna wax tar u leh oo qiime aad u badan ku fadhida..
Anigu runtii hore uma lahayn Khibrad ah inaan xoolo intaan xerada ugu galo daaweeyo, laakin maadama ey ahayd markii ugu horysey hadana aan u baahnahay khibrad Practice ah, waxaan 28kaas bari u arkey iney ahayd bilowgii Shaqo ee runta ahaa, ayadoo waliba aan gacanteyda ku dhigey mushahrkii ugu horeeyey oo aan u dhididey iyo waliba shahaado khibrad (Field Treatment) ka qaatey hey’adda FAO, mana ahayn shaqadii ugu danbeysey iyo waliba shahaadadii ugu danbeyseyba.
Runtii ma ahayn intaas oo kaliya, laakin waxa aad cajiib u ahaa, anaga oo baadiyaha ku jirney muddo bil ku dhow, hadana waxay ahayd mudadii ugu qiimaha badneyd ee aan xasuusto, sababtuna waxa ay ahayd, Reer baadiyaha oo reerkii aan xoolo u daweynoba noo qala neefka ugu fiican oo ugu cayilan (teamku wuxuu ka koobnaa afar qof), waxaa kale oo aad cajiib u ahaa, in reer baadiyuhu ey leeyihiin gogol ama darmooyin khaas ah iyo busteyaal cusub oo aan la isticmaalin ilaa uu reerka qof marti ah ku soo hoydo, anigoo taas ku arkey guryihii kala duwanaa ee aan ku hooyaney, iyo busteyaal midba midka kale uu ka quruxsan yahay, waliba soo dhoweynta iyo ixtiraamka, Waxaa xusid mudan mudadaas bisha ah in naloo qaley ama nalagu casumey tiro xoolo oo dhan 41 neef oo Ari ah, (Waxaa niyadeyda ku soo dhacdey 9kii sano iyo maalmihii Qaahira oo hilibka xoolaha lagu riyoon jirey in la cuno).
Waxaa kale oo xusid mudan in aan ku arkey miyyiga dad reer miyyi ah laakin heysta adeegga mobileka (taas oo aad u sahashey shaqadii aan wadney anaga oo toos ula xiriireyney reer walba waqtiga ey xoolohoodu diyaar yihiin iyo in kale). Qosolkii ugu badnaa ayaa wuxuu ahaa markii reer aan u tagney si aan xoolohooda ugu daweyno, ka dib odeygii reerka oo maqanaa owgiis waan ka soo noqoney, Gabar yar oo uu dhaley odeygaas ayaa naga qoratey telfonka gacanta oo aan siiyey numberkeygii, anigoo is leh wey idinka soo wici doonaan, laakin runtii waxaan aad ula yaabey markii ey fariin (SMS) gabadhaas reer miyiga ah ey soo qortey ey leedahay (Diktoorow Xoolihii waa diyaar ee u imaada)… ilaa al’aanka waxan is weydiiyaa ma magaalada ayey ka soo xarootey oo joogi jirtey, mise…. Bal-Adba .
Waxaa kale oo xusid mudan Habeenkii miyyiga wax la qabto ma leh oo waa Mugdi, laakin bal ila arag muuqaalka cirka habeenkii, adigoo jir-jir u jiifa ka dib maalin shaqo oo dheer kuna jiifa darmo ey ciid iyo
bacaad ka hooseeyaan oo eegaaya cirka, iyo muuqaalka xidigaha, iyo dhibacaha yar yar ee soconaya, shakallada xidigiha iyo qaabkey u wada dhacaan, iyo waliba jawiga macaan ee aad buuqa iyo hoonka iyo sawaxanka kaga nasaneyso, waxaa intaas sii dheer adiga oo sugaya NEEF DHAN oo ey reerkaas aan ku hooyaneyno u qalayaan Afarteena qof ee Xoolaha daweynaya.
Ka dib shaqadaas waxaan u wareegey Magaalada Garoowe oo ah meesha ey Hey’adaha UNku iyo waliba NGO-yada dowliga ahiba deggan yihiin, aniga oo markaas xiriir la sameeyey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Puntland. Xiriirkaas oo ii sahley inaan dhex galo ama barto dad badan oo howsha Xanaanada Xoolaha ku jira oo khibrad badan oo aan ka faa’ideysan karo leh, iyo Runtii wasaarada oo noo sahashey inaan ka qeyb qaadanno shaqo walba oo soo baxda ayadoo noo qiimeysey Shahaadada jaamacadeed, iyo waliba Wasaarada oo naga qeyb galisey tababarrada iyo Seminarada ka dhaca dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba, intaas ka dib sida laga dhoho Somalia ama gobollada bari (Boowe aa la qabsadey uu) ayaan dhinac uga galey shaqooyinkii jirey ee ka socdey dhinaca Xoolaha ee dalkeena hooyo, ilaa dhamaadkii bishii November ee 2010ka, runtii waxay ii ahayd khibrad shaqo oo aan ku faanayo aniga oo wax u soo qabtey ama ka soo shaqeeyey (kaabaha dhaqaale ee kaliya oo ey Soomali ku faanto oo ah Xoolaha), anigoo markaas la soo shaqeeyey hey’ado kala duwan oo ey ka mid yihiin VSF-Suisse, VSF-Germany, SAHSP, MoLAH, FAO, AU-IBAR, TERRA-NOVA, sidoo kalena fursad u heley inaan matalo dalkeyga Somalia seminaaro aan u tagey Dalka dibadiisa. (2010 wuxuu ahaa Sanad lama ilaawaan ah).
Talo iyo Tusaale:
- Qofka wax bartey oo Soomaliga ah wuxuu SHARAF iyo IXTIRAAM ku leeyahay dalkiisa hooyo, waxaa intaas dheer Mushaharro fiican oo ey bixiyaan he’adaha ka shaqeeya dalka gudihiisa.
- Waxaa kale oo Somalia jira Siminaarro ey qabtaan he’adaha kala duwan ee ka shaqeeya dalka gudihiisa, kuwaas oo runtii ku saa’idinaya qofka raba inuu ka faa’ideysto khibrad iyo cilmi dheeri ah.
- Waxaad awood u yeelaneysaa inaad tagto magaalooyin kale oo aad tagin waqtiyadii hore ee aad dalka timid ama ku nooleyd, (Aniga waxay ii ahayd sharaf inaan ka soo shaqeeyey ama safar ku tagey magaaloyin aan waligey tagin sida Gaalkacyo, Dhahar, Rako, Wajaale, Addis, Jigjiga, Hargeysa, Burco, Laascaano, iyo kuwo kale oo badan).
- Waxaad arkeysaa waxyaalo aad cajiib u ah oo Soomaliya oo u baahan in wax laga badalo, sida in la kala idan qaato markii wax ama shey la kala qaadanaayo, Tusaale aniga oo jooga magaalada Garoowe ayan damcay inaan la fadhiisto dhalinyaro aan isla shaqeyno laakin nasiib darro kursi banana ma oolin meesha ey fadhiyeen, markii aan damcay kursi banana oo dhalinyaro ag yaala inaan qaato ayaan weydiiyey Ma Qaadan karaa sxbyaal…. Ma fileyn iney I dhihi doonaan (Maxaad naga weydineysaa).
- Waxaad arkeysaa in Nolosha Somalia ey ka fiican tahay meel walba oo aad ku nooleyd, kana raqiisisan tahay, waxaad kale oo awood u yeelaneysaa inaad ugu yaraan sadex waqti oo joogto ah Cunto Fresh cuntid.
- Waxa ugu muhiimsan ee Somalia markii aad joogtid oo tahay nin dhalinyaro ah oo aan balwad lahayn waxa weeye (Adiga oo awood u yeelanaya inaad 5ta salaadood ku tukatid misaajidka) xataa hadii aadan tukan waxaad ku khasban tahay inaad dadka raacdo…
- Soomaliya dhexdeeda waxaad kale oo heleysaa Telefoonka aduunka ugu raqiisisan iyo service badan oo free ah oo ey shirkadaha adeegaas sameeya ku kala tartamaan, sidoo kale taleefonka banaanka ah (International Callka) oo aad raqiis u ah.
- Hadii aad tagto Soomaaliya iska hubi Telfonka aad qaadaneyso numberkiisa, sababta oo ah dadku waxay isku kala saareen dabaqado ama levels kala duwan oo ku xiran tahay numberka aad wadatid, khaasatan haduu yahay numberkaagu kuwa danbe oo aan inta badan la qaban ama loo yaqaano (Tsunami Numbers) oo ey qaataan dadka miyiga iyo tuuloyinka jooga, markaa hadii aad numberkaas oo kale wadato ha isku daalin in lagaa qabto, sababtoo ah Somalia dhexdeeda lama qabto number walba.
- Waxaad Arki doontaa ama Somalia ka jira in rag badan oo aan cilmi iyo khibrad badan lahayn ey ka shaqeeyaan ama heystaan he’yado aad u waaweyn, hadii aad isku mashquulisid ama ka murantid waa wadciga Somalia oo dhan ka jira, marka dadkaaga dhinac ka raaco, (su’aasha ayaa noqoneysa markii uu shaqada helaayey xagee jirtey adigu?)..
- Hadii aad rabtid inaad Somalia ka shaqeyso waa inaad leedahay Asxaab ka shaqeeya Hey’adaha kala duwan, si aad u ogaato hadba wixii fursad ah ee jira.
- Waxaan halkaan aad uga mahad-ceilnayaa dadkii aan Soomaliya mudadaas sanadka ah isla joogney oo aan isla shaqeyney oo ey ka mid yihiin Sxbkey Dr.Mahamed Abdulkadir Jaamac, oo runtii hadii aan is arki lahayn ama aan asxaab ahan lahayn eysan wax badan suurtoobeen, sidoo kale Dr.Yusuf Ismacil Garyar, Drs. Faadumo Ilka-dahab, Dr.Timojilic oo ahaa ninkii ugu horeeyey ee Khibrad baadiye i siiya iyo rag kale oo badan..
- Qormadaan waxaan runtii u qorey oo ey iigu soo dhacdey anigoo is iri tusi ama sawir wixii aad dhulkii ku soo aragtey sanadkii aad jirtey, Runtii kama wado inaan ku faaniyo qeyb goonni ah, ama magaalo gooni ah, ee waxaan u qorey in qof walba oo damacsan inuu Somalia u guuro ama ka soo shaqeeyo ey tahay meeshaas aan ka waramey oo ey dad badan oo kula mid ahna ila qabaan ra’yigaas, Fil Awal wa Fil aakhirna waa Dalkeenii aan Wax u baranney..
Waxaan ku soo khatimayaa Sawirro dhowr ah oo aan runtii ka soo qaadey meelo kala duwan oo Soomaliya ah..
(FADLAN SAWIRADA XUQUUQDOODA ILAALI, ADIGOO AAN SHEEGAN KARIN…)
Waxaa Maqaalkaan ka soo Xiganney Hadaanu nahay www.BARTAMAHA.COM, Nuruldin Alfariidi oo ah Qoraaga webka www.QardhoCity.com, Waa Qoraal dhiirri galin ah dhalinnta soomaaliyeed ee jecel ama niyadda ku haya iney ku laabtaan dalkii, gaar ahaan kuwa dhameeyey Jaamacadaha oo aan wali shaqo ku heysan meelaha ey joogaan..
Comments
comments