Calendar

Burcad Badeeda oo qabsatay Markab Shidaal waday oo laga leeyahay Saudi Arabia.

bURCAD BADDABartamaha(Somalia):-Sida laga soo xigtay Sargaal u hadlay Midowga Yurub waxaa Burcad Badeeda ay qabsadeen Markab shidaal siday oo laga leeyahay Dalka Saudi Arabia.

John Harbour oo ah sargaal u hadlayay Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa waxa uu sheegay in Burcad Badeeda ay la wareegeen Markab Shidaal siday oo ka soo tagay dhanka Saudi Arabia.

Harbour ayaa sheegay in Markabla lagu magacaabo M.T Al Nasr Al Sacudi  kaasi oo ka yimid dhanka Saudi Arabia doonayayna in uu guda galo safar uu ku aadayay Japan.

Wakaalada Wararka AFP ayaa qortay in sargaalka u hadlay NATO uu qiray in ay isku howleen badbaadinta Markabkasi balse aanu u dhaweyn markab dagaal oo ka socda Dalalka Nato.

Bishii November ee sanadii 2008 ayaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida waxa ay qafaasheen markab laga leeyahay wadanka Sacuudiga oo lagu magacaabo Sirius Star kaasi oo markii danbe madax furasho lagu sii daayay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: