Calendar

Dowlada KMG ah oo Maanta qarxisay Miino lagu aasay Wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

landmineBartamaha(Muqdisho):-Dowlada KMG ah ayaa maanta fashilisay Miino la doonayay in lala beegsado askarta Dowlada taasi oo la galiyay Wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Saraakiil sare oo Dowlada ka tirsan ayaa saxaafada u soo bandhigay Miino la galiyay wadada Laamiga ah bartamaheeda taasi oo la soo saaray ka dibna la qarxiyay.

Miinada oo ahayd nuuca rumaadka laga hago ayaa waxaa wadada ka saaray Ciidanka Dowlada kuwaasi oo arkay xilli ay dhaqdhaqaaq ka wadeen wadada laamiga ah.

Goobta Miinada la galiyay ayaa waxa ay u dhowdahay Saldhiga Ciidamada Dowlada ee Xeradii Ciidanka Asluubta duleedka Muqdisho halkaasi oo mararka qaar ay howlgal ka sameeyaan askarta.

Miinada waxa ay ku aasneed wadada meel ay ka burbursanayd taasi oo halis ku ahayd dadka iyo gaadiidka maraya wallow ay askarta ku gulaysteen in ay soo saaraan ka dibna ay qarxiyaan.

Saxafiyiinta ayaa waxa ay ahaayen kuwa ka warhayay qaabka ay Ciidamada u qarxinayeen Miinadasi laga soo saaray wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Dhawaanahan waxaa fashil ku dhamaanayay Miinooyinka la galinayo wadooyinka Muqdisho iyadoo Todobaadkii la soo dhaafay iyo bilowga todobaadkan ay fashil ku dhamaadeen Saddex fal oo la doonayay in Miino lagu aaso.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: