Calendar

Dagaal ka qarxay Woqooyiga Muqdisho iyo Taangiyada Amisom oo u dhaqaaqay dagaalka.

dagalxamarBartamaha (Muqdisho):- Dagaal xoog badan ayaa ka qarxay Woqooyiga Magaalada Muqdisho kaasi oo u  muuqanaya mid aad u culus.

Dagaalka ka socanaya Woqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa qarxay ka gadaal markii Ciidanka Amisom ay u dhaqaaqeen iska difaacida Islaamiyiinta oo saaka weerar ku soo qaaday wadooyinka soo gala Villa Somalia.

Ciidanka Amisom ayaa waxa ay dagaalka uga qeyb1qaadanayaan si toos ah iyadoo saaka la dhaqaajiyay Tanagiyada Amisom si ay u difaacaan Villa Somalia oo weerarka Islaamiyiinta uu ku soo wajahnaa.

Dagaalka ayaa waxa uu yahay mid toos uga socanaya Degmada Boondheere iyo Xaafado ka mida Degmada Shibis Ee Woqooyiga Magaalada Muqdisho oo rasaasta nuucyadeeda kala duwan laga maqlayo.

Wixii soo kordha www.Bartamaha.Com ka daalaco Insha allaah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: