Calendar

FARRIIN KUSOCOTA MUDANE “FARMAAJO”

pen1QALINKII: AHMED A.TAKAR
[email protected]

Duceysane Walaalkayow

Dalkii somaliya ahaa

adoo da,yar baad kaduushay

dowlad iyo kala-dambeyna

duqii kama ay dambeynin

Facaa wuxuu duunyo boobay

asaagaa dad soo gumaaday

adigu waad isaga durugtay

dadaalkii aad gashana

ilaah kuuguma darnaan

oo diktoor baad maanta gaadhey

Adigoo dibadaha ku nool

hadaad dalkaaga usoo hilowday

ama aad dooratoo jeclaatay

ducaan kuu hibeynay geesi

Xilka lagula soo doontay

hadii aadan diidine jeclaatay

bal dardaarankeyga dhageyso

Dowlada aad soo dhisayso

wasiiradaad dooraneyso

digil iyo mirif ha u bateen

daarood iyo hawiye iska ilaali

isaaqna danba ha u galin

Danyare yaan lagugu xaman

daqliga kusoo galana

barlamaanka diyaar ula ahaaw

Labo shariif daacad u ahaaw

itoobiya duruus ka qaado

dibadaha inaad wareegtiyo

diyaaradda haba ka degin

Damane yaan lagugu xaman

danyartiyo maatadana

weligaa diirkaagu yuu u nixin

duqeyntana ugu dadaal

Ha diidine amarka raac

tolkaaga nafta u hibee

ahlu-suna derbi adag ka dhigo

digriga weligaa ogoow

Al-shabaab ma duceysanee

madfaca daran-doorigiyo

dabaabadka AMISOM ku dalab .

Ha diidine amarka raac

labo shariif daacad u ahoow

itoobiya daacad u ahoow

ugandha daacad u ahoow

Ha diidine amarka raac

amisom daacad u ahoow

igad daacad u ahoow

arab leage caadac u ahoow

Ha diidine amarka raac

midowga yurub dacad u ahoow

u.n ka daacad u ahoow

………? daacad u ahoow

………? daacad u ahaaw

QALINKII: AHMED A.TAKAR
[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: