read more »">
Calendar

Ra’iisul wasaaraha dalka Libya oo la sii daayay kadib markay afduubteen kooxo hubaysan.

Ra’iisul Wasaaraha KMG ah ee dalka Libiya Ali Zeidan ayaa lagu afduubtay Hotel ku yaala Caasimada Tripoli, markii dabley hubeysan ay kala baxeen Hotelka, aroornimadii saakay.

War ka soo baxay dowladda Libiya ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay afduubteen maleeshiyooyin aan heybtooda la garan, kuwaasoo markii dambe sii daayay.

Afduubkan ayaa imaanaya, xilli Ra’iisul Wasaaruhu maalmo ka hor codsi u jeediyay dalalka Beesha caalamka in dowladiisa ka caawiyaan maleeshiyooyin hubeysan oo ku sugan magaalada Tripoli.

Dowladda Libiya ayaa waxaa saaran cadaadis ku aadan qaabkii Ciidamo Mareykan ah sabtidii ugu afduubteen magaalada Tripoli Abuu Anas Al-Libi, kaasoo loo heysto weeraradii bambaano ee Safaaradaha Tanzania iyo Kenya uu Mareykanka ku lahaa.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: