Calendar

Dowladdda Fidraalka Soomaaliya oo shacabka ugu baaqday in ay la shaqeeyaan

Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta dowladda Fidraalka Soomaaliya Cabdi Shakuur Cali Mire ayaa ka dalbaday shacabka Gobolka Banaadir inay kala shaqeeyaan anaanka iyo deriseyn uu sheegay inuu wado maamulka Gobolka Banaadir.

Cabdi Shakuur Cali ayaa tilmaamay in Barnaamijka dariseynta laga doonayo shacabka inay ka qeyb qaataan si amniga uu u hagaago asagoona ka dalbaday shacabka Muqdisho inay la shaqeyaan qeybaha kala duwan ee ciidamada ammaanka.

Wasiirka ayaa xusay in loo baahan yahay wad- shaqeyn dhexmarta dowlada iyo shacabka si loo helo nabad dhameystiran, isagoona sheegay in qof weliba looga baahan yahay sugidda amniga inuu ka bilaabo gurigiisa.

Sikastaba Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta Dowladda Fidraalka Soomaaliya Cabdi Shakuur Cali Mire ayaa hadalkani ka sheegay bandhig faneed xalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaa oo lagu soo dhaweynayay fanaanka kooxda Qeylo Dhaan Xuseen Shire oo dhawaan Muqdisho soo gaaray.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: