Calendar

Dr. Baadiyoow: “amaanka dalka Soomaaliya waa uu liitaa”

Maalmihii ugu danbeeye ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah ka dhacayeen Magaalooyinka Kampala iyo Nairobi kuwaa ay ku shirayeen Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo kala duwan ayaa qaarkood Dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeyay in ay ka gaabisay waxyaabihii loo idmaday.

Dr Cabdi Raxmaan Macalin Baadiyow oo ka mid ah Siyaasiinta Soomaaliyed oo la hadlay qaar ka mida bahda saxaafada ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya waxyaabaha qaar ay ku yeelaneyso dhaliil isagoo Carabka ku adkeeyay in ay ka gaabisay Dowladdu waxyaabihii loo idmaday eena ugu horreyso Amaanka.

Dhinaca kale Dr Baadiyow ayaa waxa uu tilmaamay in arimo badan oo loo baahnaa in ay Dowladda wax ka qabato aysan wali wax ka qaban hasa yeeshee ay SiyaasiyiintaSoomaaliyeed dib kasoo Cadeyn doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhaliisha ay Siyaasiinta soomaaliyeed qaarkood ay u jeedinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay imaaneysa Xilli maalmihii ugu dambeeyay ay qaraxyo ka dhacayeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho kuwaasi oo sababay qasaaro isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac oo kasoo gaaray Shacabka Soomaaliyeed.

War-Xaqiida kusaleysan Mar walbo meel kasto kala soco webka Caalamiga ah ee WWW.Bartamaha.com

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Latest Somali News, Photos, Warar Kale [ Other News ], Wararka Maanta.
« »

Comment: