Calendar

Fadlan u gargaar waa 19-Sano jir Sidan Alle ka dhigay ka Xanuunsanaysa Beerka oo Buro ay uga taalo (Sawirada).

DSC09858Bartamaha (Muqdisho) Hooyo Xabiibo Macalin Maxamuud waxa ay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ka codsanaysaa in ay garab ku siiyaan Caafimaadka Gabadheeda oo dalka wax looga qaban waayay.

Gabdhan waxaa lagu magacaaba Shukri Gacal Maxamed waa 19-Sano jir Naafa ah oo xagga Indhahana ka xanuunsanaysa.

Hooyo Xabiibo Macalin Maxamuud waa Hooyo Soomaaliyeed oo dagaalada ay barakac ka dhigeen iyadoo ku hoos nool Buush ka samaysan Baco iyo Cooshado Deegaanka Dibida Duleedka Muqdisho.

Hooyo Xabiibo ayaa waxa ay sheegtay in ay dhibaato haysato Gabadheeda oo aanay Habeen iyo Maalin Hurdada ka ladin dhibaatana ay xagga nolosha ka haysato.

Hooyada dhashay Shukri Gacal waxa ay sheegtay in gabadheeda ay ku sabarsantahay dhibaatada haysata balse ay Umada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Allaah wax u dhiibay ay ka codsanaysaa in ay garab ku siiyaan gargaarna u fidiyaan si Dibada loogu soo daaweeyo Gabadheeda.

Shukri Gacal Maxamed ayaa haatan ka xanuunsanaysa dhanka Beerka oo buro muuqataa ay kaga taalo iyadoo Indhaha ay dibada yimaadeen Culeyska iyo Xanuunka hayaa aawadiis.

Walaal Qof walba oo Muslim ahow oo ka damqanayaa Xanuunka Gabadhan Soomaaliyeed iyo Hooyada garab iyo gacanba aan haysan la soo gaar waxa aad u awodaan si Dalka Dibadiisa loogu soo daweeyo Walaashaada Soomaaliyeed.

Qof waliba oo arkaa iyo ciddii wax u awooda waxay kala soo Xiriir karaan:-

00252699-914397 oo laga helo Walaalkeed Maxamed Cali Maxamuud.

Ama 252699-462001 oo laga helo C/risaaq Yuusuf Cabdalla

“Alle waxa uu u naxariistaa kuwa isu Narariista!”.
Xadiis Shariif ah.

Dawo  Sawirada:-

DSC00272

DSC00257

DSC09852_1

DSC09859

DSC00271

DSC00272

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, HELP - CAAWI, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: