Calendar

Muqdisho oo saaka dagan iyo Taangiyada Amisom oo weli taagan goobaha dagaalka.

amisom taangigaBartamaha(Muqdisho):-Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib dagaalkii xooganaa ee ka dhacay woqooyiga Magaalada Muqdisho.

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxa ay u muuqataa mid dagan waxaana weli is horfadhiya Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Alshabaab oo weli dagaal ka dhexeeyo.

Taangiyo badan oo Amisom ay leeyihiin ayaa ku sugan aagaga dagaalka uu shalay ka dhacay waxaana xilli waliba laga baqanayaa dagaal ka dhaca xaafadaha Woqooyiga Magaalada Muqdisho.

Taangiyada Amisom ayaa waxa ay ku suganyihiin Degmada C.Casiis  waxaana jiray in ay soo qaateen burburka gaari shalay uga gubtay Degmada C.Casiis oo ay alshabaab gubeen muuqaalkoodana ay soo bandhigeen.

Weli ayaa laga baqanayaa dagaal ka dhaca woqooyiga Muqdisho waxaana qasaara badan uu ka soo gaaray shacabka markii shalay la duqeeyay xaafadaha Woqooyiga Magaalada.

Xafiiska www.Bartamaha.com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: