Calendar

Fanaaniinta Waayaha Cusub oo Geesinimo ku muujiyay 2 heesood oo ay uga soo horjedaan Al-Shabaab (VIDEO)

yaankaBartamaha (Nairobi) Fanaaniinta da’da yare e Waayaha Cusub saldhigooda weyna uu yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa geesinimo xoogani muujiyay, kadib markii ay soo saareen laba hees oo ay ku cabirayaan waxey yihiin Al-Shabaab.

Al-Shabaab waa awood xoogan oo ka jirta gudaha Soomaaliya taasoo magic diimeed ku dhaqanta isla markaana falal Argagax leh ka geysata Soomaaliya, iyadoo disha Aqoonyahanada Soomaaliyeed sheegtana inay ku xiran tahay Al-Qaacida.

Abwaanka Waayaha Cusub ahna Guddoomiyaha Kooxdaasi Shiine Cabdilaahi “Shiine Akhyaar” oo labadaan hees alifay ayaa u kala bixiyay Yaabka Al-Shabaab iyo No to Al-Shabaab.

Labadaan heesood oo Abwaan Shiine ku cabirayay falalka Argagaxa leh ee falaago diimeedka Al-Shabaab ku kacaan ayaa aad waxaa u taageereen Shacabka Soomaaliyeed oo qaati ka taagan Al-Shabaab.

Abwaanka ayaa inoo sheegay inuu damiirkiisa ceshan waayay inuu aamusnaado isla markaana qaati ka istaagay falalka Argagaxa leh ee Al-Shabaab geysanayaan taasina ku kaliftay inuu heesahaan alifo.

Abwaanka waxuu sheegay in labadaan heesood midkood ay la qaadayaan Fanaaniin dalka Kenya u dhalatay kuwaasoo iyagana ka danqaday dhibaatada falaago diimeedka Al-Shabaab ka geysanayaan gudaha Soomaaliya.

MIRAHA HEESAHAAN AYAA WAXAA KAMID AH

Yaab iyo amakaag ama yaaqda waabari waxa ad la yuubta ama ad u yerta ruxUi taa yaqiin garan yasirkeda ku fidin, yaa yaqana dhibatada wadankena yurursaday yaa yaqana yacistan Alshababka logu yero ee yabohay ciida hooyo calamkana u yaglelay umadana wada yaday aqontoda anan yeelin qaburaha u yasirin danahoda ku yoqshafa inlen lafo mela yala danbi maleh lagu yubo yolkoduna gawrac miya dadken wada yare miya inlen yaxyax waxa hela ruxi diinta yara hela  yase anan wali garan argagaxan soo yabqaya xumatida ya u yila yaradkana u qadima dadkenana yaa u shega alqacida inay yihin, yaab yaab admigow yaab muslim yaanba qaata’oo muumin kale yada.

Yaa laha asrartani yaa laha edadkani yaa laha xasuqani yaa laha xasuqani anigo ku yasaayaa yabaqaga maqle anigo ku yasaayaa yabaqaga maqlee.

Cabdilaahi Maxamed Cali
Nairobi, Kenya

Comments

comments

Category : Madadaalo | Entertainment, VIDEOS.
« »

Comment: