Calendar

Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab oo Maydkiisa weli aan la aasin iyo Muran arintaasi ka taagan (Xog-rasmi ah).

Marxuum qoorleehBartamaha(Muqdisho):-Waxaa maalintii Labaad Talaajo ku jiray Maydkii Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab iyadoo la isku haysto shakki ka dhashay dilkii masuulkaasi oo la ogaaday in jirkiisa ay rasaas ku taalay balse aanu qaraxa ku dhiman.

Warar xaqiiqda ku salaysan oo soo gaaray Xafiiska www.Bartamaha.Com Muqdisho ayaa sheegaya in aan la aasin Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab Muqdisho oo dilkiisa shakki xoogan iyo isqabqabsi balaaran uu ka dhashay.

Warar aynu ka helnay qaar ka mida Ehelada Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab Axmed Qoorleex ayaa sheegaya in maydkiisa lagu hayo Madaxtooyada waxaana socanaya baaritaan xoogan oo ku wajahan dad looga shakiyay masuuliyada dilka masuulkaasi.

Qof magaciisa dalbaday in la qariyo kana mida Ehelada masuulka la dilay ayaa waxa uu sheegay in Jirka Gudoomiyaha dhintay laga helay rasaas ku dhacday taasi oo looga shakisanyahay in uu ka danbeeyay nin ay masuulkaasi xilli maamul ahaan isku hayeen.

Qofka magaciisa qariyay ayaa sheegay in dilka iyo qaraxa ay kala danbeeyeen islamarkaana Gudoomiyaha ay ku dhacday rasaas  Bistoolad ka dhacday oo looga shakiyay nin barbar taagnaa oo horay Jago ka dalbaday Degmada Xamar Jajab in laga siiyo.

Muran xoogan oo qaab qabiil salka ku haya balse dhanka Dowlada loo maray ayaa ka socanaya Madaxtooyada Villa Somalia oo maanta oo dhan ay ku qulqulayeen Odayaasha Beesha uu ka dhashay ninka Gudoomiyaha ka ahaa Xamar Jajab oo la dilay.

Qaraxa dhacay iyo rasaasta uu ku dhintay Gudoomiyaha ayaa shakki balaaran abuurtay taasi oo sabab ka dhigtay in Maalintii Sabtida oo uu dhintay ninka Masuulka ahaa illaa Maanta oo Isniin ah uu ku jiray maydka Talaajo baaritaana lagu hayo jirka Gudoomiyihii dhintay.

Saraakiil dhaawacantay oo ay ka mid ahaayeen C/laahi Xasan Bariise Afhayeenka Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in aanu masuulka Degmada Xamar Jajab aanu ku dhiman qarax balse rasaas dhacday ka dib uu qaraxa ka dhacay goobta ay wada joogeen madaxda Dowlada.

Xaalada waa ay cakirantahay  illaa haatana lama oga xiliga la aasayo Gudoomiyihii Degmada Xamar Jajab Marxuum Axmed Qoorleeex oo beesha uu ka dhashay ay shaaca ka qaaday in aan la aasayn illaa ninka lagu tuhunsanyahay dilka isna la toogto.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: