Calendar

Walal u gargaar Allaah ha kuu gargaaree“Waa Hooyo Soomaaliyeed 4-Caruur ah Madfac ka naafeeyay”(Sawirada Caruurta dhiban).

DSC09084Hooyo Farxiyo  Cumar Maxamed waxay dhammaan Bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ka codsanaysaa in garab iyo Ganac lagu siiyo daryeelka Nolosha Caruurteeda oo Madfac ku naafoobay. 

Hooyo Faraxiyo Cumar Maxamed waxa ay dhashay:-

C/Laahi Mukhtaar    Cali     

Cabdi     Mukhtaar    Cali     

Cali       Mukhtaar    Cali       

Axmed  Mukhtaar    Cali

Dhammaan wiilashaasi waxa uu madfac kula dhacay Xaafada Sanca Degmada Kaaraan bishii Jully Sanadii 2009.

4-ta Wiil ayaa waxa ay noqdeen Naafo halis ah markii firiada madfaca uu meel walba ka galay jirkooda gaar ahaan:-Indhaha, Caloosha,Lugaha iyo Feeraha.

Hooyo Farxiyo  Cumar Maxamed waxa ay sheegtay in caruurteeda ay caloosha wax ka cuni la’yihiin markii la jaray xubno ka mida Caloosha waxayna ku noolyihiin Duleedka Bari ee Muqdisho.

Hooyada waxay ka codsanaysaa dhammaan Shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyadaha Dibada iyo qof kasta oo wax u heli kara in uu gacan ku siiyo Caafimaadka  iyo Daryeelka Caruurteeda.

Hooyo Farxiyo  Cumar Maxamed iyo 4-ta wiil ay dhashay waxay isla daganyihiin Buush ay ka dhisteen deegaanka Dibida duleedka Bari ee Muqdisho oo ay u barakaceen.

 

Hadaba qof kasta oo arkaa Muuqaalka Caruurtaan ama wax u tari kara Fadlan cagantaada ha gaarto Walaashaada Muslimada ah ee haysata Caruurta dhibanayaasha ah.

 

Waxaad kala xiriiri kartaa Qoyskan dhibanayaasha ah:-

 

Telphonada kala ah:-

25250-462001 ama 2521-5173309 oo laga helo Wariye:- C/risaaq Yuusuf Cabdalla “Kampala”.

Muuqaalka Dhibanayaasha iyo Hooyadood:-

DSC09094

 

 

 

DSC09081

DSC09080

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

  

DSC09084

  

DSC09097

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

www.Bartamaha.Com

Mugadishu-Office

Comments

comments

Category : Featured, HELP - CAAWI, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: