read more »">
Calendar

kufsigii lagu eedeeye ciidamada AMISON intuu ku danbeeyaa?

Waxaa todobaadyo ka hor ciidamada AMISON ay saldhigga ku leh xirada Maslax ee magaalada muqdisho lagu eedeeyo in ay kufsadeen haweeneey soomaaliyeed ku nool halkasi ayadoona baaritaan ku aadan arinkaa maalmihii ugu danbeeye lawaday islamarkaan ilaa iminka aan lasheegin halka ay wax marayaan.

Haweeneedan ayaa waxa ay sheegtay in ay kufsadeen tiro ka tirsan ciidamada AMISON ay ku sugan xirada maslax ayadoona ay hada taalo ISbitaal madiino halkaasi oo xaaladeeda caafimaad lagu dabiibayo.

Dowladda fidraalka soomaaliya ayaa horay xukumo dilal ah ku fulisay rag soomaaliyeed oo kufsi ugeystay haween soomaaliyeed ayadoona hada la ogeyn wax ay ka dhihi doonto kufsigaan ay geysteen ciidamada AMISON islamarkaan Ra’isul wasaaraha uu horay u sheegay in hadii ay ku cadaado shaqsiyaadka geystay arinkaan lagu fulin doonno sharciga dalka u dagsan.

Su’aalaha ay shacabka soomaaliyeed isweydiinayaan ayaa waxa ay tahay masidii hoaray dowladda fidraalka looga bartay oo aheyd in lagu xakumo dil toogasho may sameyn doontaa dowladda mase mar-marsiimo kale ayee la imaan doontaa dowladda?

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured.
« »

Comment: