read more »">
Calendar

Madaxweyne Shariif oo looga yeeray Dalka Ethiopia.

shariifkaBartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa maanta u dhoofay wadanka Ethiopia halkaasi oo looga yeeray.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay ka soo dhaqaaqeen Magaalada Muqdisho si ay u gaaraan Magaalada Addis Ababa Ee Dalkaasi Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Qaranka Axmed C/Salaan,Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Jurile,Wasiirka Arimaha Dibada Yuusuf Dheeg iyo xubno kale.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay wajaheen Addis Abababa oo looga yeeray in ay ka sooq eybgalaan shirka Wadamada IGAD oo la filaaya in uu bireto bilowdo.

Madaxweyne shariif ayaa waxa uu si gaar ah ula kulmi doonaa madaxda qaar sida Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo ay ka wada hadlayaan arimaha ammaanka iyadoo la filaayo in Ethiopia uu ciidan ka dalbado madaxweynaha.

Wixii ku soo kordha safarka madaxweynaha iyo Ujeedooyin badan oo xambaarsanyahay www.Bartamaha.Com kala soco.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi-Kenya

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: