Calendar

Magaalada Kismaayo oo Looga Diyaargarobayo Bisha Ramadaan.

KismaayoBartamaha(Kuismaayo) Waxaa manta magaalada kismaayo siweyn looga dareemayaa Diyaargarowga loogu jiro bisha barakeysan ee ramadaanka oo ay haatan ka harsanyihiin maalmo yar.

Goobaha ugu badan ee mashquulka laga dareemayo ayaa awxa kamid ah shirkadaha xawaaladaha, Suuqa weyn ee lagu iibiyo alaabaha bagaashka iyo weliba bakaarada lagu iibsho raashiinka, kuwaasoo ay siweyn u buuxdhaafiyeen dadweeyne iyagu diyaargarow ugu jira bisha barakeysan ee ramadaanka.

Qaar katirsan dadka ku ganacsada suuqa weyn ee loo yaqaano suuqyaraha magaalada kismaayo ayaa ii sheegay in mudooyinka danbe uu soo xoogeysanayo ganacsadooda taasoo ay sheegeen in ay sabab u tahay bulshada ku dahaqan magaalada kismaayo oo aad wax u iibsata marka ay soo dhawaato bisha ramadaan.

Dhanka kale dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan kaamaka magaalada kismaayo oo aan saaka la kulmay ayaa waxa ay ii sheegeen in aysan wax ay ugu diyaargaroobaan bisha barakeysan ee ramadaanka, waxaana ay ka codsadeen cid walba oo wax u awoodi karta in ay lasoo gaaraan.

www.Bartamaha.com

kismaayo-somaliya

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: