Calendar

Maxamed Dheere “Ajaanibta Indha shareerka leh waa Musiibo Umadan loo soo diray”.

Maxamed_DheereBartamaha (Muqdisho):- Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir ayaa si cara leh uga hadlay dagaalada shacabka ay ku sii dhamaanayaan oo ka socanaya Magaalada Muqdisho.

Maxamed Cumar Xabeeb “M.Dheere” Gudoomiyihii hore Ee Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dhibaata culus ay dalka ku hayaan Kooxo ajaanib ah iyo Caruur maskaxda laga qaladay oo dagaala ka wada dalka.

Maxamed Dheere waxa uu xusay in shacabka Muqdisho ay la yaabanyihiin dhibaatadan halka ay uga timid balse waxa uu isagu sheegay in uu aaminsanyahay in dhibkan uu yahay mid shacabka ay isku keeneen markii ay soo dhaweysteen Ajaanib.

“Shacabka iyagaa qarsan jiray ajaanibta oo indhashareer u galin jiray sida Haweenka marka hadda dhibka socda waa ajaanibn indha shareer loo soo galiyay oo Musiibo umadan loo soo diray ah waana dhib aan si fudud looga baxayn….” ayuu yiri Maxamed Dheere.

Masuulkan oo xilli si weyn Muqdisho gacanta ugu dhigay islamarkaana caburiyay Kooxihii Muqaawamada xilli loo yaqiinay oo uu si gaar ah u beegsan jiray meel walba oo ay ka joogeen Magaalada.

Maxamed Cumar Xabeeb waxa uu shaaca ka qaaday in balaayada xiligan taagan ay tahay mid ay shacabka abuurteen isagoo sheegay in looga baahanyahay shacabka dagaal ay iyagu hogaaminayaan oo dalka looga tirtiro kooxahan ajanibta ah.

Ugu danbayntii Maxamed Dheere waxa uu daaha ka qaaday in ay bilaabayaan qorshe ay dalka Soomaaliya uga saarayaan ajaanibta iyo argagixsada dalka soomaaliya ka wada dagaalada aan dhamaadka lahayn.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: