Calendar

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC) oo ka digay Ciidan hor leh oo dalka la keeno (War-Saxaafadeed).

sharmocBartamaha (Nairobi):- War-Saxaafdeed ka soo baxay Xafiiska Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC) ayaa looga digay Ciidan hor leh oo dalka la soo galiyo.

War-Saxaafadeed:-

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC)

Ref: Sharmoc29110010

Date: 01 September 2010

Ujeeddo: War saxaafadeed

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmoc) Oo Ka Digtay Ciidamo Horleh oo Somalia Loosoo Diro Kuna Baaqay in Dhiig joojin loo Sameeyo Shacabka Muqdisho

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu ka digayaa talaabada Dowladda Uganda ay Ciidamo hor leh ugusoo direyso Magaalada Muqdisho ee ay hareeyeen Dagaalada dhiiggu ku daatay ee ay qaybta ka yihiin Ciidamadii hore ay Midowga Africa ugusoo direen Magaalada Muqdisho.

Talaabada ay Dowladda Uganda ku sheegtay in ay Ciidamo gaaraya 10 kun oo askari oo xoojin u ah Ciidamada Amisom ee horey dalka u joogay ayaa walaac iyo welwel hor leh ku beertay Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Muqdisho oo dhibaato xooggan ay kazoo gaartay Duqaymo loo adeegsanayey Madaafiic casri ah oo gaystay xasuuq iyo burburinta magaalada Muqdisho qaybo kamid ah, iyadoo Ciidamo kasta oo la keeno dalkana ay sii fogayn karaan xal kale oo la baadi goobo.

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha SHARMOC waxaa ku tilmaamayaa soo dhoweynta Dowladda KMG ah ee Somalia ee Ciidamo Ajnabi ah talaabo aan laga fiirsan,waxayna sii ciribtireysaa rejadii umadda Soomaaliyeed ka qabeen in Dowladdu ay adeegsato Xeelad iyo wadaxaajood intii macquul ah, iyadoo aan shaki ku jirin in keenista Ciidamo hor leh ay circa kusii shareeri karto Xaaladda murugada leh ee uu marayo dalka Somalia. Sidoo kale Guddiga SHARMOC waxa uu ugu baaqayaa QM,AU,EU iyo dhamaan dalalka deeqda siiya Ciidamada

Amisom in aysan waxa taageero ah ama ogolaansho ah aanay siinin Ciidan hor leh oo loo diro Somalia, taas bedelkeedana ay waqti iyo dhaqaalaba ku bixiyaan sidii Nabad iyo dib u heshiisiin loogu dabbaali lahaa dalka oo dhan.

Dhinaca kale Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) waxa uu Cambaareynayaa falkii lagu qarxiyey gawaari siday dadweyne ka rawaxayey Magaalada Muqdisho oo miino lagula qarxiyey agagaarka Kulliyada Jaalle Siyad ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaas ku nafwaayey 12 qof oo haween u badan halka ay ku dhaawacmeen 30 kale oo dhaawacyadooda la dhigay Cusbitaalada Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa lala beegsaday Gawaarida qaada Dadweynaha, waxaase ka agdhowaa goobta qaraxu ka dhaacay Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah ee Somalia,

waxaana afhayeen u hadlay Dowladdu sheegay in Kooxaha mucaaradku ka dambeeyeen qaraxaas, halka ay dagaaladii socday 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay una dhexeeyey Ciidamada Dowladda KMG ah, Amisom iyo Kooxaha kasoo horjeeda ay ku dhinteen dad shacab ah oo tiradoodu kor u dhaafayso 43 qofood iyo dhaawac ka badan 100.

Dagaalada ayaa ahaa kuwo ay dhinacyada dagaalamayey ay ku doonayeen in ay goobo isaga qabsadaan, iyadoo natiijaduna noqotay Xasuuq ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed ee aan cidina u maqnayn ceelna u qodnayn, waxaana dagaaladaasi ahaayeen kuwa barakiciyey kumanaan kamid ah dadkii ku noolaa Magaalada Muqdisho oo haatan ku biiray Barakacaayaashii darxumidu ku haysatay duleedyada Magaalada Muqdisho.

Ugu dambayntii Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) waxa uu uga digayaa dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho in loosoo taagi doono dembiyo dagaal isla markaana ka dhan ah Banii aadamnimada, waxaana dagaalkaan iyo dilalkan yihiin kuwa ka dhan diinta Islaamka, Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dhaqanka Soomaalida eek u dhisan is ixtiraamka iyo nabad ku noolaashaha.

Wabillaahi Towfiiq

Nadia Hagi Hassan

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed (SHARMOC)

Mogadishu,Somalia

Tel.442086967090

Fax. 442086967090

Mobile. 447983294906 Email: [email protected],[email protected]

Nuqul:-

war saxaafadeed sharmoc

Comments

comments

Category : Featured, Press Release, Wararka Maanta.
« »

Comment: