Calendar

Midawga Yurub oo ku baaqay in wadamada dariska ah ay ka qeyb-qaataan xasilinta Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay dalalka dariska la ah Soomaaliya inay kaalin ka qaataan xasilinta iyo wada-hadallo Siyaasadeed oo Soomaaliya ka dhaqan gala.

Warbixin ka soo baxday Golaha Arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa lagu muujiyay muhiimadda uu daris wanaagga uu u leeyahay nabadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Goluhu wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in dalalka dariska ah iyo beesha caalamkuba ay dhiirra-geliyaan wada-hadallada siyaasadda Soomaaliya iyo caawinta dib-u-heshiisiinta oo ay diyaar u tahay inuu ka gacan siiyo Ururu-goboleedka IGAD.

“Wada-shaqeyn gobol oo dhab ah kaliya door kama cayaareyso in Soomaaliya xal loo helo, balse waxay sidoo kale gacan ka geysanaysaa jawi xasilloon oo weyn iyo barwaaqo uu gobolku gaaro” ayaa lagu yiri warbixinta Midowga Yurub.

Dhinaca kale, Midowga Yurub wuxuu soo dhoweeyay isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, wuxuuna dowladda iyo baarlamaanka federaalka ah ku ammaanay dedaallada isbeddel-doonka ah.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: