Calendar

Waxtarka timirta oo la ogaaday in ay faa’iidooyin kujiraan (Cilmi Baaris)

Qubaro Soomaaliyeed ayaa waxa ay isku raaceyn in ay Timirto leedahay nafaqo aad badan ayagoona sheegay in ay xoojiso murqaha iyo dareemaha jirka kana ilaalisaa gabownimada deg–degga ah.
C.RISAAQ GAARANE oo kamid ah qubarada baaritaanka ku sameeye arintaan ayaa webka Caalamiga ah Bartamaha uga warbixiyay in timirta ay leedahay Faa’iidooyin fara-badan.
Waxaa kaloo sheegay in ay daaweyso dhiig yaraanta iyo cudurada xabadka ku dhaca, naagaha uurka leh waxay u keentaa itaal iyo firfircooni, ilmaha yaryar si dhqsi bay ku korisaa.
Dhanka kale timirta ayaa waxaa la ogaaday in indhaha ay ka ilaalisaa cudurada soo waajaha, ayadoona lasheegay in subax walba ruuxa caano ku cuna timirta ay u keento xasillooni waxay ka qaadaa murugta, mindhicirada waxay ka ilaalisaa xanuunka maskaxdana way xoojisaa beerkana way nadiifisaa awoodda galmadana way kordhisaa
Timirta ayaa waxa ay ka kooban yahay Fitimiin (A) fitimiin (B) iyo waxyaalo kale ee aan lasoo koobi Karin.
Sikastee ahaataba qubaradaan ayaa waxa ay ku taliyeen in labadsado Cunida Timirta ayadoo hadii laga eego dhanka diintana ay fadli-badan tahay in lagu afuro waqtiyada lasooman-yahay.
Webka Caalamiga ah www.Bartamaha.com
Lasoco mar walbo iyo meelkasto warar xaqiida ku saleysan iyo warbixinno tayo-Leh

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Bartamaha Forum, Featured, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: