Calendar

Midowga yurub oo xeebaha Soomaaliland gaadiid gaarsiiye

Midowga Yurub ayaa horaantii bishaan waxa uu howlgalo ka bilaabay xeebaha maamulka Somaliland, iyadoona horay ciidamada Midowga Yurub ay howlgalka la dagaalanka bucad badeeda ee Atlanta ay ka wadeen xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Maanta ayaa waxa uu Midowga Yurub xeebaha Soomaaliland uu gaarsiiyay shan gaadiid kuwaasi oo loogu tala galay in lagu taageero waxqabadka ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.

Midowga Yurub iyo Soomaaliland ayaa waxa uu xariirkoodu ka dambeeyay kadib markii 10 saraakiil sar sare ah oo ka mid ah ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ay ka qeyb galeen tababar ku saabsan ka hortaga dambiyada dhanka xeebaha ah oo ay siinayeen ciidamada Midowga Yurub.

Dhanka kale Jean-Eric Troubat, oo ah sarkaal boolis Faransiis ah ahna hogaamiyaha howlgalka loogu magacdaray EUCAP Nestor ayaa sheegay in tababarka uu ahaa mid ay ku guuleysteen ayna u mahad celinayaan dadkii ka qeyb galay.

Sikastaba Maamulka Soomaaliland ayaa u mahad-celiyay ciidamada midowga Yurub, sida ay u garab taagan yihiin iyo waliba gaadiidkaan manta ay soo gaarsiiyeen maamulka.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: