Calendar

Wasiirada Arimaha Dibada Fowziya oo sheegtay in Midowga Yurub ay yihiin saaxiibada Soomaaliya

Wasiirada Arimaha Dibadda ahna Ra’isul-wasaare ku xigeynka Dowladda Fidraalka Soomaaliya oo maal-mihii ugu danbeeye ku sugneyd Magaaladda Brussels ee dalka Belgiumka ayaa waxa ay maanta soo gaba-gabeyneysaa safarkii ay halkaasi ku joogtay islamarkaana ay ugu qeyb-galeysay shirkii looga hadlaye hormarinta caalamka ayadoona sheegtay in Midowga Yurub ay yihiin saaxiibada qaaska ah ee Dowladda Fidraalka Soomaaliya.

Shirkani oo ay ka soo qeybgaleyn Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaareyaal ka kala socday caalamka oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Liberia, Niger, Ra’iisul Wasaarayaasha Jamaica, Lithuania, Cape Verde, Madaxa Midowga Africa Nkosazan Zuma, Madaxweynaha EU Barosso, iyo Madaxda Midowga Yurub ayaa waxaa looga hadlaye hormarinta Caalamka iyo sidii la isku kaashan lahaa.

Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa intii uu shirku soconaye ku faantay in Dowladda Soomaaliya ay ku tallaabsatay hormar balaaran oo dhinacya badan taabanayo Sida Amniga, soo cilinta xiriirka caalamka iyo qorshayaal kale oo ay Dowladda soo bandhigtay.

Dhanka kale wasiirada ayaa waxa ay hadalkeeda kusoo qaadatay in dumarka iyo dhalinyarada ay yihiin laf-dhabarta Umada Soomaaliyeed islamarkaana loo baahan yahay in loo abuuro shaqo iyo Mashaariic kale taa oo ay ku sheegtay in ay ka qeyb-qaadan karto Hormarka iyo dib u dhisida dalka Soomaaliya.

Sikastaba wasiirada oo maalmahaanba dalka dibadiisa safaro kala duwan uga maqneyd ayaa la filayaa maanta in ay si rasmi ah usoo gaba-gabeyso safaradaas ayadooma Midowga Yurub ugu Mahadcilisay garabtaagnaashaha Dowladda Soomaaliya.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: