Calendar

Muqdisho oo saaka dagan iyo qasaaraha Madaafiic Magaalada lagu garaacay oo sii kordhaya.

aaBartamaha(Muqdisho):-Xaalada Guud Ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka dagan ka dib madaafiic lagu garaacay xaafado ka mida Magaalada Muqdiosho oo qasaara xoogan oo dad shacab ah ka soo gaaray.

Madaafiicda ayaa waxaa lagu garaacay xaafadaha kala ah Bakaaraha,Gubta,Dayniile iyo Degmada Hodon qeybo ka mida oo dad badan ay waxyeela xoogan ka soo gaartay maadaama madaafiicda ay bilowdeen xilli xasilooni magaalada laga dareemayay.

Illaa 10-qpf ayaa dhimatay 22-kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib madaafiicda oo ku dhacay xaafado shacabka ay ku badanyihiin oo ka mida Deegaanada Muqdisho ee shalay gabl dhicii sida arxan darada ah loo garaacay.

Duqeynta ayaa sababteeda la sheegay in ay lahayd ka dib duqeyn loo geystay Xarumaha Ciidamada Amisom Muqdisho halkaasi oo jawaabta ka soo baxday ay sababtay qasaaraha ugu badan ee bulshada radidka ah ku dhacay.

Isku soo duube Xaalada ayaa ah mid dagan iyadoo aanay jirin wax dareen dagaal ah marka laga reebo dadka xaafadahooda madaafiicda ay ku soo dheceen oo bilaabay in ay barakac sameeyaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: