Calendar

Xaalada Deegaanka Ceelasha-Biyaha oo dagan iyo qasaara ka dhashay banaabax rabshada watay oo shay dhacay.

Bartamaha(Ceelasha-Biyaha):-Xaalada guud Ee Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa saaka xasiloon ka dib banaanbax ka dhashay Calanka Soomaaliya oo ay dajiyeen Ciidamada Xizbul Islaam.

Banaanbaxa ayaa waxaa la sheegay in uu bilowday ka dib markii Ciidamada Xizbul Islaam ay dajiyeen Calanka Soomaaliya oo ka dul babanayay Dugsiga Imaam Al-Khusayma halkaasi oo ay ka soo xireen Maamulihii Digsigaasi.

Ardayda Schoolka ayaa waxa ay bilaabeen banaanbax balaaranb oo ay uga cabanayaan falka lagula dhaqaaqay maamulka Dugsiga iyo Calanka laga dajiyay Digsigaasi taasi ookeentay banaanbax balaran ooqasaara sababay.

Illaa 2-ruux ayaa dhaawac u dhimatay 5-kalana dhaawacyo fudud ayaa gaaray ka dib rasaas ay fureen Ciidamada Xizbul Islaam Deegaanka Ceelasha Biyaha oo illaa xalay fiidnimadii bananbax uu ka socanayay.

Isku soo duube Xaalada ayaa saaka xasiloon iyadoo uu dib u howl-bilaabay Dugsiga hoose Dhexe iyo Sare Ee Imaam Al-Khusayma oo uu banaanbaxa rabshadaha watay uu ka bilowday iyadoo la filayo in ay dhacdada ka hadlaan Xizbul Islaam.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: