Calendar

Kulan Looga Soo Horjeedo Madaxweyne faroole oo Ka Dhacay Gobalka Bari

Kulankaani ayaa waxa uu ahaa mid ay soo qaban-qaabiyeen Salaadiinta iyo Isimada ka soo Jeeda Gobolka Bari ayaa waxaa looga soo horjeeday Madaxweyne Faroole waxuuna uu kadhacay Degmada Isku shuban ee Gobolka Bari.

Salaadiinta iyo Isimadaan ayaa waxa ay diiradda ku saareen Kulamadooda Ololaha doorasho ee ka socda deegaanno ka tirsan Maamulka Puntland.

Mid ka mid ah Isimada Ka soo Jeeda Gobolka Bari oo ka qeyb galay kulankaasi ayaa isagoo lahadlayay Idaacadda Shabelle waxa uu sheegay in go’aanno ay ka soo bexeen kulamadooda waxaana uu Carabka ku dhuftay in ay isku raaceen in bulshada ka soo jeeda Gobolka Bari aysan ka qeyb qaadan Ololaha doorasho ee Maamulkaasi Puntland.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in ay isku raaceen dadka Shacabka ah ee ka soo jeeda deegaanada Puntland in loogu baaqo in aaney ka qeyb galin Olalahaasi doorasho.

Kulamadaani ay yeesheen Isimada iyo Salaadiinta ka soo Jeeda Gobolka Bari ayaa ku soo beegmaya xilli kol hore Madaxweynaha Maamulka Puntland uu sameystay Muddo kororsi taasi oo qeylo dhaan xoogan ay ka muujiyeen qeybaha Bulshada ee ka soo Jeeda Maamulka Puntland.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Bartamaha Forum, Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: