Calendar

Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho oo sheegay in Alshabaab loo isticmaalay weerarkii safaaradooda

Hassan_Turkiga_1Ambassador Cemalettin Kani Torun ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Alshabaab ooo iyadu sheegatay masuuliyada weerarkii lagu qaaday safaarada Turkiga ay ahayd aalad balse weerarkan ay ka dambeeyaan dad soo isticmaalay Shabaab.

“Alshabaab qandaraas ayay ku qaadatay weerarkan” ayuu yiri safiirka oo la hadlayay wakaalada wararka ee dalka Turkiga ee la yiraahdo Anadolu Agency.

Safiirku carrabka kuma dhufan dawlada ay tuhunsanyihiin, iyadoo gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiguna uu sidoo kale ku eedeeyay weerarkan quwado aan ku faraxsanayn horumarka uu Turkigu ka sameeyay saamaynta uu ku leeyahay gobolka.

Dawlada Turkiga ayaa meesha ka saartay inay wax ka badasho siyaasadaheeda ku aadan Soomaaliya, taasoo ay sheegtay inay sii wadi doonto mashaariicda lagu gargaarao shacabkaa Soomaaliyeed.

 

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: