Calendar

Ku xigeenkii Barasaabka Baydhabo oo magaalada Muqdisho ku geeriyooday

Baydhabo271Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku geeriyooday Gudoomiye ku xigeenkii degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Marxuum Maxamed Macalin Ibraahim Dhaladheere oo ciidamo ka tirsan booliska 18kii bishan  ku dhaaweceen magaalada Baydhabo.

Marxuumka ayaa dhaawiciisa waxaa loo soo qaaday Cisbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho si loogu dabiibo,Malaaq Deerow Yacquub Cali oo ka tirsan  waxgaradka gobolka Baay kana mid ahaa dadii Muqdisho ku baxnaaninayey dhaawaca gudoomiye ku xigeenkii degmada Baydhabo ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Marxuumku uu geeriyooday.

Malaaqa ayaa waxa uu sheegay in Marxuum Maxamed Macalin Ibraamih Dhaladheere uu ka dhaawacnaa dhanka caloosha oo ay kaga dheceen 4 xabbadood,wuxuuna intaa ku daray in lagu guul darraystay  qaliin looga sameeyey   caloosha,wuxuuna xusay in Xabbadihii ku dhacay ay dhammaan jarjareen Xiidmaha taasine ay keentay in dhaqaatiirtu ay wax ka qaban waayaan xaaladiisa caafimaad.

Ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya oo buuq ka dhex taagnaa oo isku dayay inuu dhexdheexadiyo ayaa la sheegay inay xabado ooda uga qaadeen marxuumka geeriyooday taasoo sababtay dhaawaca uu haatan u geeriyooday.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: