Calendar

Shirkad laga leeyahay dalka Holland oo qalabayn iyo tababarba siin doonta ciidamada badda Soomaaliya

ciidamada-badda-Soomaaliya1Shirkadan oo lagu magacaabo The Atlantic Marine and offshore Group ayaa lagu wadaa inay bilowdo tababarka iyo qalabaynta ciidamada ilaalada badaha Soomaaliya kadib markiy ay dawlada Soomaaliya heshiis kula gashay shirkadaas caalamiga ah inay dib u soo noolayso ciidanka ilaalada badda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaana heshiisku uu dhigayaa in shirkadu ay wax walbo oo tashiilaada u samayso ciidamada badda si ay awood ugu yeeshaan ilaalada xeebaha Soomaaliya oo ay ka qawlaysato burcadbadeed iyo sidoo kale maraakiib sharci darro ah oo ka kalluumaysta.

Waxayna shirkadani ballanqaaday in isbadal xoogleh laga dareemi doono ammaanka badaha Soomaaliya isla markaana ay bilaabayso hawlaheeda sannadkan gudihiisa.

Shirkadda ayaa sidoo kale qaban doonta adeegyo muhiim ah oo ay kamid tahay la socoshada dhaqaalaha kasoo xarooda dekadda iyo ilaha dhaqaalaha ee xeebaha sida ku xusan heshiiska lala galay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: