Calendar

Shirkii Wadatashiga Garsoorka Soo Afjarmay Maanta (Video/Sawirro)

SHIRKII WADATASHIGA GARSOORKA SOO AFJARMAY copyMuqdisho (BARTAMAHA) Shirkii wadatashiga ee looga hadlayey xeerarka garsoorka dalka ayaa maanta kusoo gebageboobay maanta magaalada Muqdisho

Kulankan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa inta uu socday lagu falan-qeeyey arrimaha garsoorka, xeerka maxkamadda distuurka iyo hirgalinta qorshaha dib-u-habeynta hay’adaha caddaaladda ee heer Qaran, goboleed iyo heer degmo.

Iyadoo xiritaanka shirka ay goobjoog ka ahaayeen wasiirro, xildhibaanno, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo khubarao ku xeel dheer sharciyada dalka, mas’uuliyiinta maamullada gobollada dalka, bulshada rayidka, aqoonyahanno, macalimiinta wax-ka-dhiga jaamacadaha dalka iyo culumaa’uddiin Soomaaliyeed.

La soco go’aamada kasoo baxay shirka oo aan dhowaan idiin soo gudbin doono.

Daawo Sawirada Shirka

wadatashi wadatashi 2 wadatashi 3 wadatashi 4 wadatashi 5

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: