read more »">
Calendar

Wasiiradda arrimaha dibada Soomaaliya oo baarlamaanka looga yeeray su’aalana la waydiiyay

R/ wasaare ku xigeenka ahna Wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta hor tagtay gudiga arimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo su’aalo laga waydiiyay waxqabadkii wasaaradeeda mudadii ay xafiiska joogtay.

Kulanka ay maanta la qaateen gudiga arimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya wasiiradda arimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxa uu ka dhacay qayb ka tirsan xarunta golaha shacabka.

Foosiyo ayaa gudiga arimaha dibadda ee Baarlamaanka u gudbisay qoraal ku saabsan wax qabadka wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya intii ay xilka haysay.

Markii uu kulanku soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay gudoomiyaha gudiga arimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya C/qaadir Cosoble wuxuuna sheegay inay su’aalo badan waydiiyeen wasiirka arimaha dibadda ee Soomaalia.

Cosoble ayaa sheegay inay su’aalo badan waydiiiyeen wasiiradda ayna sii socon doonaan su’aalaha la waydiinayo isagoo sheegay inay jawaabo lagu qancay ka heleen wasiiradda waxyaabihii ay su’aaleen.

Waxaana uu sheegay inay wax ka waydiiyeen kulankii maanta sida ay u shaqeeyaan Safaaradaha Soomaaliya ee caalamka ku yaala, sida loo bixixyo Baasaboorka Diblamaasiga ah iyo halka uu marayo soo celinta ciriirkii caalamku la lahaa Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: