Calendar

Raila Odinga oo dhaleeceeyay ciidamada Kenya kadib markii la helay Video muujinaya xaditaanka Westgate

Raila Odinga oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay ku noqotay Kenyaanka markii ay soo baxeen muuqaallo muujinaya ciidamada oo alaab ka xadaya xaruntii ganacsiga ee Westgate markii uu socday hawlgalkii lagula dagaallamayay kooxihii goobtaasi weeraray.

Isagoo khudbad ka jeedinayay xarun ku taalla jaamacada Boston ayuu sheegay in sidoo kale Kenyaanka ay naxdin ka qaadeen weerarkii Westgate oo kooxo hubaysani ay si aan kala sooc lahayn u laayeen dad shacab u badnaa, weerarkaas oo masuuliyadiisa ay sheegatay kooxda Alshabaab ee gacan saarka la leh urur weynaha Alqaacida.

“Dadka la laayay waxaa dadweynaha Kenya uga naxdin badnayd markay arkeen dhaqan xumada ciidankooda oo kaamirooyinku qabteen iyagoo xadaya alaabtii dhismaha taallay” ayuu yiri Raila Odinga.

“Tani waa wax qof walba ka yaabisay, sannado badan ayaan dhisaynay muuqaalka ciidankeena oo ahaa kuwo haysta tababar fiican lehna anshax wanaagsan, balse tani waxay noqotay la yaabkii ugu darnaa, waa qaylo dhaan horleh” ayuu sii raaciyay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya oo ahaa musharraxii uu sida dirqiga ah uga guulaystay doorashadii Kenya ka dhacday bishii March ee Sannadkaan madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyatta.

Raila Odinga ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyay ee si cad u dhalleeceeya dhaqanka ciidamada Kenya inkastoo taliyaha ciidamada militariga General Julius Karangi uu difaacay ciidankiisa maalintii shalay ahayd kadib markii ay su’aalo waydiiyeen guddiga baarlamaanka Kenya u qaabilsan arrimaha gaashaandhigga iyo ammaanka qaranka.

Dhanka kalana taliyaha ciidamada booliska Kenya David Kimaiyo ayaa ku hanjabay in xabsiga loo taxaabi doono wariyayaashii ka dambeeyay faafinta muuqaalka muujinaya xatooyada ciidamada Kenya isagoo arrinkaas ku tilmaamay in looga gol lahaa sidii loo dumin lahaa sharafka ciidanka Kenya.

Waxaa uu sheegay in qaabkii loo tabiyay warbixinnada inay ahayd dacaayad ka dhan ah hay’adaha dawlada Kenya oo la doonayay in shacabkeeda laga horkeeno.

David Kimaiyo ayaa sheegay in wariyayaasha maxalliga ah iyo kuwa caalamka ka yimidba ee tabinayay wararka la soo xiri doono.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured.
« »

Comment: