read more »">
Calendar

Xizbiga Dooy iyo Deex oo kulan ku yeeshay Nairobi iyo Jawaab Culus oo ay ka soo saareen dhismaha Maamulka Waax iyo Waadi(Daawo Sawirada).

DSCI0455Bartamaha (Nairobi):- Kulan ka dhacay Magaalada Nairobi ayaa lagu mucaaraday aas aaska Maamulka  la magac baxay Waax iyo Waadi oo dhawaan laga dhisay Magaalada Lodon.

Kulan ay soo agaasimeen Xizbiga Dooy iyo Deex oo ay ku mideysanyihiin qaar ka mida Beelaha dagan Gobolada ay dagaan Beesha Mudolood oo ka mida beelaha dagan dhulka loo sameeyay dhawaan maamulka Waax iyo Waadi.

Kulanka oo ahaa mid saacada badan qaatay ayaa waxaa shirka ka dib saxaafada la hadlay Siyaasiga lagu magacaabo Maxamuud Tooxow Maxamed “Ciid” oo  Xilli ahaa Musharixiintii Madaxtinimada Shirkii Mbagati balse haatan ah Gudoomiyaha Xizbiga Dooy iyo Deex ayaa shaaca ka qaaday in aanay marnaba raali ka ahayn maamul wada tashi la’aan lagu dhisay.

Siyaasiga Maxamuud Tooxow “Ciid” ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in ka Siyaasi ahaan uu soo dhaweynayo Maamul ay samaystaan dadka dagan dhulka Sh/Dhexe illaa Bariga Galgaduud balse aanu marnaba raali ka noqon doonin wada tashi la’aan ay sameeyaan Qorba joog maamula samaysanaysa.

Siyaasigan waxa uu weera

ray qaabka iyo qorshaha ay qurba joogta maamulka ugu dhisteen Deegaanada loogu magac daray Waax iyo  Waadi oo ay xadka ay samaysteen uu dhacayo gudaha Gobolka Sh.dhexe taasi oo uu sharci daro ku tilmaamay siyaasigaasi oo gobol ahaan ka soo jeeda dhulka haatan loo bixiyay Waax iyo Waadi.

Maxamuud Ciid ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dhammaan dadka ku midaysan Xizbiga oo qaarkood ay garbihiisa ka muuqanayeen  xiliga uu saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay diidan yihiin ka qeybsanaanta iyo maamul aan la isla qabin oo aan loo midaysneen.

Masuulkan waxa uu dhanka kale balan qaaday in dhawana ay dhacayaan shirar waweyn o ka kala dhacaya Wadanka Kenya iyo Magaalada Muqdisho kuwaasi oo ay ka dhex muuqan doonaan sida qorshahu yahay siyaasiyeen waaweyn oo Xizbiga ka mid ah iyo Duubabka dhaqanka Beesha Mudulood oo hadda ah beesha  qorshaheedu yahay in ay sameeyaan maamul loo dhanyahay oo aan ahayn midka haatan loogu magac daray Waaxb iyo Waadi.

Dhanka kale Kulanka Nairobi ka dhacay ayaa waxaa hadal ka jeediyay qaar ka mida Haweenka iyo Dhalinyarada Beesha Mudulood oo ka mida beesha magac ahaanteeda lo sameeyay Maamulka Waax iyo Waadi waxa ayna sheegeen in dhammaan aanay ku raacsanayn Kooxda samaysay Waxa iyo Waadi.

Haweenka ka hadlay oo magaca dhalinyarada Beesha ku hadlayay ayaa waxaa ka mid ahaa Qadra Xaashi Cali oo saxaafada u sheegtay in a

anay marnaba raali ka ahayn maamulka hadda lagu sameeyay Dalka Britain waxa ayna sheegtay in ay ka mid tahay Xizbiga Dooy iyo Deex oo hadda doonaya in maamul dhammaan ay dhanyihin aqoonsiyadooda loo  sameeyo Gobolada hadda loo asteeyay magaca Waxa iyo Waadi.

Qadra ayaa xustay

in ay doonayso Midnimada dadka dagan Gobolada Dooy iyo Deex la isku yiraahdo oo ay qorshaynayso in ay gacan balaaran ka geysato dhismaha Maamul ay samaystaan dadka dagan dhulkaasi haatan loo bixiyay maamulk

a Waax iyo Waadi oo ay sheegtay in aan loo dhamayn.

Madaxda Xizbiga iyo Xubnaha guud ee Xizbiga Dooy iyo Deex ayaa u balamay shir guud oo ay dib uga wada tashanayaan sidii loo heli lahaa kalsoonida maamul ee Shacabka dagan dhulka ay dagaan Beesha Mudulood oo hadda ay shaaciyeen in aanay isku raacsanayn Maamulka loogu magac daray Waax iyo Waadi.

Dhawaanahan w

axaa soo badanayay samaynta maamulada loo kala samaynayo Gobolada dalka Soomaaliya oo qaar badan oo ka mida ay hatstaan Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka oo aan la ogayn sida ay iskula shaqeyn doonaan maamulada loo dhisayo Gobolada Dalka.

Daawo Sawirada:-

DSCI0449

DSCI0451

DSCI0456

DSCI0453

DSCI0453

DSCI0464

DSCI0467

DSCI0455

DSCI0465

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika

[email protected].


Comments

comments

Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: