Calendar

DEG DEG: Dagaal maanta dib uga qarxay magaalada Guriceel

dagaaltooooooGuriceel(Bartamaha) Wararka aan ka heleyno magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa kusoo waramaya in dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga ahlu sunna uu dib maanta uga bilowday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa inuu ka qarxay dhanka bari ee magaalada Guriceel,oo fariisin u ahaa ciidamada dowladda Soomaaliya saraakiisha ahlu sunna ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay dhankooda dagaalka bilaabeen.
Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka maanta dib uga qarxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaana lasoo sheegayaa in dad ku dhaawacmay dagaalka la gaarsiiyey Cisbitaalka magaalada Guriceel.
Wixii ksoo kordha dagaalka Guriceel kula soco wararkeena xiga

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: