Calendar

Kalluumeysatada degmada Ayl oo ka cabanaya Maraakiib Xaalufin ba’an ku haya xeebaha degmadaasi

maraakiiibAyl(Bartamaha)Kalluumeysatada degmada Ayl ee gobolka Bari ayaa ka cabanaya Maraakiib shisheeye oo xaalufin baahsan ka wada xeebaha degmada Ayl ee gobolka Nugaal ee deegaanada Puntland.
C/kariin Maxamed Aw-Cabdi waa mid ka tirsan Kalluumeysatada degmada Ayl wuxuuna sheegay iney dhibaato xoog leh ku hayaan Maraakiibta Shisheeye ee kalluumeysiga sharci darrada ah ka wada xeebaha degmada Ayl.
C/kariin ayaa xusay in Maraakiibta Shisheeye ay hada bilaabeen iney si aada ugu soo dhawaadaan xeebaha,wuxuuna ka dhawaajiyey iney qaadanayaan Shabaakta iyo doomaha Kalluumeysatada Soomaaliyeed.
Wuxuuna ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland in si dhaqso ah wax looga qabto dhibaatada baaxada leh ee Maraakiibta shisheeye ay ku hayaan Kalluumeysatada degmada Ayl ee gobolka Nugaal.
Dhacdadii u danbeysay ayuu sheegay in Maraakiibta shisheeye ay ku burburiyeen in ka badan 10 doonyood oo ay laheeyeen Kalluumeysatada,wuxuuna sheegay iney dad badani ku hanti beeleen boobka ay xeebaha dalka ka wadaan Maraakiibta Jiriifka.
Faysal Khaliif Cumar gudoomiye kuxigeenka degmada Ayl ayaa sheegay in tallaabada boobka ah ee Maraakiibta shisheeye ka wadaan xeebaha Soomaaliya gaar ahaan degmada Ayl ay markale dib usoo nooleyn karto kooxihii burcad badeeda Soomaalida,wuxuuna farta ku fiiqay iney u gudbiyeen cidii ay arintaasi qusaysay.

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: