read more »">
Calendar

Muqdisho: Daminta dab qasaaro badan dhaliyey oo lagu guuleystay

dad ka kacay Muqdisho3Muqdisho(Bartamaha) Dabkii xoogganaa ee maanta Duhurkii ka kacat Kaalin shidaal oo ku taala xaafadda black Sea ee magaalada Muqdisho ayaa lagu guuleystay damintiisa,gaadiidka dabdamiska maamulka gobolka Banaadir ayaa isku hawlay sidii ay u damin lahaayeen dabka oo si xawli ah ku bilowday.
Ilaa hadda si cad looma oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabka baaxadda weyn ee maanta ka kacay Kaalinta shidaal ee ku taalla xaafadda Black Sea ee degmada H/wadaag,dabka ayaa dhaliyey qasaaro hantiyeed oo fara badan waxaana ku basbeelay gooba badan oo ganacsi.
Saacado badan ayey qaadatay daminta dabka goobta uu dabku ka dhacay ayaa waxaa gaaray gudoomiyaha degmada H/wadaag ee gobolka Banaadir iyo ciidamada amniga dowladda oo ka hortagay kooxo burcad ah oo doonayey iney ka faa’iideystaan musiibada isla markaane ay dhac iyo boob geystaan.
Dadkii ku hanti beelay dabka ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed in la caawiyo,waxayna dalbadeen in la saaro gudi soo qiimeeya qasaaraha ka dhashay dabka maanta ka kacay Kaalinta shidaal ee Muqdisho ku taal.

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: