Calendar

SH Guureeye oo DFS ku eedeeyey iney dagaal ka abaabuleyso gobolka Galgaduud

GuureeyeMuqdisho(Bartamaha) Gudoomiyaha Saddexda gole ee maamulka ahlu sunna waljamaaca SH Ibraahim SH Xasan Guureeye ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey iney dagaalo hor leh ka hurinayso degmooyinka gobolka Galgaduud.
Gudoomiyaha saddexda gole ee ahlu sunna SH Ibraahim SH Xasan Guureeye oo ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay dagaal ka abaabuleyso gobolka Galgaduud.
SH Ibraahim Guureeye ayaa ka dhawaajiyey in dowladda Soomaaliya ay gobolka Galgaduud ku daabulayso hub iyo ciidan fara badan oo uu sheegay iney ku dooneyso iney ku weerarto degmada Guriceel sida uu sheegay.
SH Ibraahim ayaa daboolka ka qaaday in cawaaqib xumada ka dhalata dagaalada laga abaabulayo Galgaduud ay masuuliyadeeda qaadi doonto cida dagaalka horboodeysa sida uu tilmaamay,wuxuuna ku celceliyey iney habboon tahay inaan dagaal la hurin.
Wuxuuna ku baaqay in laga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka,wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: