Calendar

Qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho oo ciidanka dowladda u xiran

markab quusayoMuqdisho(Bartamaha) Qaar kamid ah wadooyinka muhimka ah ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta Maalintii afaraad u xiran ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya
Wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya ayaa u xiran ciidanka dowladda Soomaaliya,waxaana la arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaano ku haya dadka shacabka ah isla markaane u diidaya gaadiidka iney adeegsadaan.
Afhayeenka ciidanka boolsika Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa ku micneeyey sababaha ay u xiran yihiin qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho iney la xiriirto xaqiijinta amniga magaalada iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amniga lidiga ku ah ee Al-shabaab ay damacsan yihiin iney shacabka ku dhibaateeyaan.
Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in wadooyinku ay sii xirnaanayaan ilaa ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka ambabaxayaan wufuuda kala gadisan ee ka qaybgalaya xuska Todobaadka afka Hooyo.
Saraakiisha amniga ayaa qaadaya tallaabooyin lagu xoojinayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya tan iyo wixii ka danbeeyey markii Jimcihii lasoo dhaafay uu Muqdisho ka dhacay qarax ay dad badani ku dhinteen.

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: