read more »">
Calendar

Ururada Shaqaalaha Soomaaliland oo dhaleeceeyey shaqaalaysiinta dadka Ajaanibta ah

shaqaalaha somalilandHargeysa(Bartamaha) Ururada Shaqaalaha Soomaaliland ayaa ku eedeeyey masuuliyiinta maamulka Soomaaliland, Haya’adaha caalamiga ah iyo dadka maalqabeenada ah ee ku dhaqan deegaanada maamulka Soomaaliland iney shaqaalaysiiyaan dad Ajaanib ah oo aan dalka u dhalan xilli ay shaqo la’aan yihiin dhalinyarada deegaanka ee waxbaratay.
Maxamed Axmed Cabdi Gudoomiyaha ururada Shaqaalaha Soomaalialand ayaa sheegay iney nasiib darro tahay in dad Ajaanib ah laga shaqaaleyso xafiisyada dowladda,hay’adaha caalamiga ah,NGO-da iyo xarumaha ganacsi ee Soomaaliland iyada oo ay shaqo la’aan yihiin dhalinyaro badan oo kasoo jeeda deegaanada Soomaaliland.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu tilmaamay iney habboon tahay in la shaqaaleysiiyo dadka muwaadiniinta ah ee shaqa la’aantu haysato halkii shaqada la siin lahaa dad shisheeye oo uu sheegay iney ka kala yimaadeen wadamo fog-fog.
Soomaaliland ayuu sheegay Maxamed Axmed Cabdi iney xiligan ka shaqeeyaan shaqaale u kala dhashay wadamada Yemen,Pakistan iyo Ethiopia,boqolaal dhalinyaro oo ka baxay Jaamacada Soomaalialnd ayaa sanad walba u tahriiba wadamada Yurub kadib markii shaqo la’aan ay soo wajahday.

Hargeysa Bartamaha

Comments

comments

About Caadil

Caadil is a Mogadishu based reporter and columnist with a focus on coverage of Somali politics and media. An outspoken proponent of accountability journalism.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: