Calendar

“Dadka dilka, dhaca iyo Boobka ka daaya oo Guyahooda u daaya” Marxuum Maxamed Siyaad Barre

Marxuum Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre

Marxuum Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre

Aduunkan Shaqsi iyo Koox walba oo Taariikhda soo marta waxbaa lagu xasuusan doonaa, Soomaaliya waxa ka dhacay 20 sano ee ugu danbeesay qof looga sheekeenayo ma jirto, Dhibaatadda nagu heesato daafaha dunida uma baahna in cidna loo sharxo, sida nabad iyo kala danbeyn aan ugu baahanahay ka wada hadal umaba baahna.
Qof walba Danbigiisa Alle ayaa kula xisaabtami doono, Kama hadlayo in Maxamed Siyaad Saxnaa iyo in kalle, kama hadlayo in dad gaar ah dhibaato loo keestay, kama hadlayo Siyaasadadda hadda jirto balse ila wadaag dareenka Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee 20 sano ka hor iyo meesha aan maanta joogno.
Maxamed Siyaad Barre ma nihin isku isku qabiil, isku ehel, dan gooni ah oo aan ku jeclaadayne ma jirto, balse waxaan ku jeclaaday in uu yahay Madaxwayne Soomaaliyeed oo dalka dhisay, dadkana wax u qabtay, marka Maamul la qabto dhibaato iyo qalad wuu dhacaa balse meesha aan maanta joogno ayaa ka sii xun.
Mar aan dhageestay hadal uu jeediyay Allaha u naxariistee Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre oo aan u arkay in uu ahaa hadal Muhiim ah ayaan is iri la wadaag dadweynaha Soomaaliyed.
Allaha u naxariisto Marxuum Maxamad Siyaad Barre ayaa Khubadiisii ugu danbeesay ee uu ka jeediyay Radio Mogadishu isaga oo shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwii dowladnimadii iyo sharaftii bur-buriyay la dar-darmaaya la hadlaya waxa hadalkiisa ka mid ahaa.
1-In Eynu garano danteena Waxa ay tahay, garano waxa aynu nahay, In aan isku eegno Muraayada si aan u garano dadka aynu nahay?, Maxaanse dooneeynaa?
2-Danta dadkeenu waa Maxay?
3-Nin ladan oo dalkba aanan joogin ama dalka Jooga in uu Xabad ku laayo dadka Masaakiinta Maahan.
3-Waxaa walba ka sii daran, dadka Masaakiinta ah ee Xabada lagu wareeriyay ee sii qaxaya, gaajadu heeyso ee jidka daadkan.
4-Dhabo/Dhariikh/Jid walba oo xamar looga baxaa waa daadsan dad Masaakiin ah oo qax ah oo sii Guuraya.
5-War dadka Guryahooda u daaya, ha eryina, Ka daaya Waxan Foosha xun dad Islaam ah oo Soomaali ah ayaad tihiin.
Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre hadalkiisa waxaa ku jiray, Dar-daaran, Digniin iyo In Mustaqbalka laga tashado. Haddii aad dhageesatay waad fahmi kartaa waxa uu Madaxwaynaha ka hadlayo in ay ahaayeen wax run ah.
Waxaan ku faraxsanahay oo aan Alle ooga Mahadcelinayaa in aan dhashay iyadii Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre uu dalka ka yahay Madaxwayne, nasiib daro nasiib uma helin in aan dowladnimadii Soomaaliya arko balse waalidkeey ayaa iiga sheekeeyay, wixii aan maqlay ama aan aqriyayne igu filan iyadoo aan garanayo Dowladnimo waxa ay tahay.
1991-2001 Qax iyo Bur-bur.
Inkastoo aan ka mid ahay dhalinta 20-kan sano ee dagaaladda socdeen dalka Soomaaliya ku soo koray, markii aan dalka ka soo tagay oon aan dalka Kenya oo Qurbo iigu horeeyay aan tagay ayaan is waydiiyay Nabad la’aan iyo Maamul La’aan sidee loo noolaan karaa?, inkastoo 20 sano ay idlaatay haddana 20 sano oo kalle haddii xaalku sidan ku sii socdo maxaa dhici doono?. Walise jawaabta Su’aalahan waan raadinayaa.
Maanta arrinku quus ayuu taaganyahay, shalay haddii Dowladii la radiy, Hogaamiye Kooxeed ayaa yimid iyagiina la riday, Maxaakim ayaa timid waa la riday, Madaxweynayaal dibada lagu soo dhisay ayaa la keenay waxba isma badalin, Marka waxaa is waydiiyay halkee loo socdaa?, dadkan yaa u maqan?, haddii sidan lagu sii socdo maxaa dhici karo Mustaqbalka nagu soo dhow.
Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Barre 20 sano ka hor wuxuu ka hadlayay wali weey socdaa, Koonfurta dalka Soomaaliya ka socda waa wixii wuu ka hadlayay Mohamed Siyaad Barre balse ilaa intee ayay ii socon doontaa?!

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
Kuala Lumpur, Malaysia
[email protected]

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Maqaallo / Articles.
« »

Comment: