Calendar

Baahidee ka jawaabaya nidaamka federaalka somaliya ? Cabas C. Cabdullahi


Nidaamka federalka somalia ka jawaabi maayo wax haba yaraatee baahi somaliyeed ah.

Ujeedadiisu kaliyi waa curin aafo  somali kala geysa oo burburisa ugu dambayntii midnimada qaranimo, dhaqan iyo midda dineed intaba.waa ka guurid ruun barwaaqo iyo u hayaan goobo lama degaan oo la hubo in loogu tagi gaajo iyo colaadeed.

Waxaa aqristuhu haddiiba isa su’aali karaa: aduunka kaleba waa ka jira federalismuhu eh maxaa maqaal qoruhu u qaylinayaa ? waa su’aal  habboon

Waa run oo federalismo dalal badan yuu ka jiraa lakiin  waxaa kala duwan oo aad u kala dheer xaaladaheena.Waxaa ka jira dalalkaa sababo keenay federalismaha oo la’aantood an dadka dalkaasi la kulmayo dhibaatooyin ayna si kale xal ugu heli karin. Annaga arrinttenu  sidaasi 1800 degree yey ka duwantahay. Annaga dhibaatooyinka dadkaasi xalka u raadinayaan ma qabno  waxaase noo keenaya asago ku raran oo na dul dhigaya federalismaha sanka nala ka galinayo laftigiisa.

Dalalka federalka samaystay dhammaan waa dalal dadkoodu ka kooban yahay qoomiyado kala duwan, kala haysta diimo kale duwan, kala dhaqan ah, badana kala af duwan, dhaqan dhaqaalohoodu kala duwan, degaannadoodu badanaaba kala xadidan yihiin. Dadyoowgaasi say wax u wadaagaan ayagoo an isqoonsan, isxoogin oo an diririn ayaa loogu sameeyey  amaba ayagu u arkeen in sidaa dani ugu jirto(unity  in  diversties).

Arag Nigeria  qowmiyadaha waaween:hawsa , Fulani, Yoruba,Ibo ,kamuri, Ijaw etc. afafku waxay kor u dhaafaan 520; waxay isku afgartaan oo luuqad rasmi ah u ah English;qowmiyado dhami  waa muslin, kuwo masiixi, kuwo diimo dhaqameed yey  haystaan.

Ethiopia:90 qowmiyadood yaa degan, 77 luqadood yaa looga hadla, diimo kala duwan.

Dalalkan iyo kuwo kale 00 tirada ka badan oo kale waxaa jirrabay federalka in la helo qaab ay qowmiyad kasta ugu suurtogasho in ay hormariso qaab- nololeedkeeda iyo dhaqankeeda, ay u hesho xuquudeeda waajibkeedana uga soo baxdo ayado an lagu dhirqin oo lagu khasbin wax ka baxsan dhaqankooda, caqiidadooda iyo aragtidooda. Si kale oo la iskugu hayo yaan muuqan.Sudaan waxay ku kala go’day doonitaan in diin hal qomiyadeed  u kali ah lagu dhaqo shacbi an diinta haysan. Ma waxaa jira wax an ku kala duwannahay sida Sudaan oo dowlo beeleedyadu naga badbaadinayaan ?

Waxaa jira dalal ayagu kala mid ah xagga qaybsanaanta qowmiyadeed, diimeed iyo  luqadadeed kuwaan kore lakiin an dan u arkin federalismaha ee ku midaysan dowlo dhexe oo kali ah halkaana ka ilaaliya xuquuqda muwaadiniinta oo dhan ayago ku ilaalinaya sharci loo siman yahay sida ugaanda iyo Kenya oo labada ay ku nool yihiin qowmiyado badan oo ku kala duwan af, diin iyo dhaqanba.

Dadka somaliyeed waa dad an lahayn deegaamo u kala sohdimaysan, afaf iyo diimo kala duwan.waa dad si kasta iskugu milan. Magaalooyinka waa la wada degaa xataa marka qaarba dhina uga soo dugaamaysto.

In kasta oo lagu qoray dastuurka in qofka somaliga ahi dalka ka dagi karo meesha u rabo haddana waxaa xaqiiqadu muujinaysaa  in Federaalku u xambaarsan yahay, si an aad u qarsoonayn, inmagaalaba ama gobolba loo asteeyo oo u sheegto qabiil lahaanshiisa. marka gobol loo asteeyo qabiil qofkii ka baxasan ee halkaa joogaa waa marti. Ma joogo dhul qaran ee wuxuu jooga dhul beeleed.

Haddaanba ka soo qaadno in gobolaysi wax un khayr ahi ku jiraan (taaso run  ahayn) oo la yiraahdo gobolba (ama dowlo goboleedba) ha loo asteeyo qabiil meeqa gobol yaa qabiil soocani degaa koodeese loo astaynaya(dowlogoboleedka) marka labo ama ka badani deggan tahay gobolka?

Miyaan Qabaa’íilka somaliyeed  isu dhex oollin sidii pasta talyaani oo kale?

Maxaa laga yeelayaa qabaa’iilkii loo asteeyo gobolka ma ahee  kuwa kale ee wax ka dega?

Maxaa laga yeelayaa dadka lagu sheego Barka (beesha shanaad)? oo an ayagu ahayn kuwo gobol xoog ku sheegta sida beelaha dagaallama ee marsada waxay rabaan?

Ma laga tashaday oo ayagu in anay xaqba lahayn yaa la gaarey?

Wax dani kuma jirto meel an jab ahayna lagu gaari maayo mashaakiilka cad ee federaalka waxa lagu sheegayo ee la ismoogeysiiyo.

Dantu waxay ku jirtaa in loo wajaho waxba sida ay yihiin ee an loo wajihin sida an jecelnahay ama si ay hoos noogu dhiibeen qolo dan khiyaamo ah wadata.

Aniga waxay ila tahay Somali waxay isku qoonsatay arrin sadbursi oo xal si dhib yar loogu heli karey  lakiin meeshii ayada la abaari lahaa yaa la abuuray dhibaatooyin an loo baahnayn salna an ku lahayn dhaqankeeda iyo doonitaankeeda midna. Waa dhibaatooyin ula kac loogu curinayo,waa kuwo an xal loo heli doonin waxayna haddiiba ka soo ifbexeen dhibaatooyinkaasi labada maamul goboleed ee hadda jira ee Somaliland iyo puntland oo noqday meelo hal qabiil (oo xataa dhexdiisa dirirsani) u kuwo kale ku cabburiyo. Jiritaanka khaatumo, awdal state, ras casair, maahir i.w.m waa wada diidmo khasab iyo cabburin iyo in an gobol-qabiileed usan xal u ahayn mashaakilka bulshada haysta iyo himilooyinkooda.

Waxaa kuwaa la mid ah oo fidno ka aloosan tahay Jubbooyinka.

waxaa la mid ah oo ogaal looga leexleexanayaa caasimdii Somalia Xamar oo u ka hirgalay dhaqan lahaansho qabiil oo an la saan qaadi kari doonin marnaba maqaam xaun qaran.

Federalku waa belaysi, marxalada somaliyi gaartay intii xurriyo ay heshay in dhaqankeeda soo jireenkaba ku cay iyo dib u celin boqollaal qaran..

Dhanka kale,haddaanba  in yar u kaadino Somaliland oo sheeganaysa goosasho, waxaan wada ogsoonahay in Puntland oo sheeganaysa in ay si buuxda uga mid tahay Somalia ay si gaar ahaaneed ula gashay heshiisyo ciidan iyo shidaal baarisba hay’ado qalaad ayado cuskanaysa waxa ay ku sheegtay federalismo iyo madaxbannani dowlo goboleed. Maxaa marka reebaya in sido kale maamulka laga abaabulayaa jubbooyinkuna u la galo berrito Kenya heshiisyo ay ku sii wadato baaritaanka shidaal ee ka ay sharci darri uga wado dhulka somaliyeed ee gobolkaa?   Federaalku waxuu riman yahay( fidnada Somali dhexdeeda  ka sokow) abuuritaan imaaraad kala madax bannaan, wada tag daran oo dhexdooda isku mashquulsan inta dalkooda cad-cad loo jarjaranayo. Fidnada gudaha iyo isku qabqabsiga astaamaynta magaalooyinku ee federaalku xambaarsan yahay waa marxalad ka mid ah socodsiinta hawsha qaran burburinta.

Aniga waxay ila tahay in haddii  la qirsan yahay in dhibaatada maanta jirtaa ay ka curatay(sida dhabtu tahay) dareen sadbursi iyo awood ku urursan gacan dowlad dhexe in an xalku ku jirin abuuritaan mashaakil horleh. Waxaa isweydiintu tahay ma dhib jirey yaa xal loo doonayey mise waxaa la baadi goobayey dhibaatoyin cusub iyo si fasasin wixii jirey sida kuwa federalku hadda keenayo oo ah in geed walba ee somaliya ku yaal beel loo asteeyo?

Dad badan oo Somalia kama qarsoona in tageerada beelaha somaliyeed qaarkood siinayaan Al-shabaab ayna sal ku lahayn wax diin ah ee ay tahay ka hortag iyo iska caabin aafo  kaga soo fool leh nidaamku –ku-shega federalka.

haddii  la qirsan yahay in dhibaatada maanta jirtaa ay ka curatay(sida la wada qabo) dareen sadbursi iyo awood ku urursan gacan dowlad dhexe, xalku wuxu ku siman, deeqa, kuna wanaagsanyahay waxa afafka qalaad lagu yiraahdo(power decentralisation) ama baahinta awooda oo dastuuri laga dhigo ayadoon dalka waxba la gooba-goobayn.

Matalan waxaa dastuurka si cad loogu  qorayaa in:

  1. In magaalana usan duq magaalo ka noqon Karin qof an halkaa u deganayn si xariir ah wax ka yar 15sano.(la dhimaayo qof ank u dhalan ama beeshoodu dagin)
  2. Duqan magaalada sida madaxda nabadgalyada iyo kuwo qabanaya hawlo kaleba waxay ku imaanayaan doorashada  dadka degaanka ee ma noqonayaan kuwo dowlo dhexe u soo magacawdo.
  3. In gobol kastaa qaab hormarineedkiisa, caafimaadkiisa, Waxbarashadiisa etc asagu su dan moodo oo xor ah u maamushu  asagoo waafajinaya siyaasada guud ee qaran.
  4. Qofku wuxuu xilal qaranka ugu sarreeya hayn kara muddo cayiman.
  5. Madax bannanida garsoorka oo si adag loo dammaano qaado.

Mathallada kor ku qorin ma aha kuwa kali ah ee talada looga qayb galinayo, adeegyana loogu dhawaynayo shacbiga ee waxaa jira siyaabo badan oo kale oo muwaadiniinta looga qaybgalin karo talada iyo manaafacaadka dalka ayadoo an dalka laga dhigin (tribal areas, sidii apartheid Sudafrica ka jiri jirtey :zululand i.w.m.).   Tilmaamahan gaabani ee kor ku sheegan ujeedadeedu waa xalku meesha u ka dhaw yahay muuujin iyo ka digid in qaranka loo dumiyo si xataa hadddii la doono an ula kac ka ahayn kuwa hor boodaya federaalka.

caqliga sani wuxuu sheegaya in an wax kastaa noqon sida kan samaynayaa u la jecelyahay oo qalbigiisa ku jirta ee ay noqonayaan sida ay ula falgalayaan waxa jira oo dhabta ah. Mathalladani waxay jid u falayaan in qaranka somaliyeed( asago muwaadin kastaa xaq dhawran) haddana dalku ku soo noqdo dal leh hal albaab oo laga soo galo ee usan noqon  mid boqol xarumood oo kala madax bannaan looga taliyo.

bal xasuuso aqristow: meeqa madax ku-sheeg ee somaliyeed yaa ka qayb gashay aaskii Senaawi?Sharif Ahmed, Abdi wali, Siilaanyo, Farole, Qaybdiid iyo Sharif Xasan. Yey kala matalayeen? Ma loo qaadan karaa in ay yihiin dad isku dal iyo isku dawlo ka socda?  Federalka naloo tumayaa waa is-feeryaacaa iyo kala madaxbannanidaa oo dahsoon.

 

Waa jiri jirtey in dadka somaliyeed ee reer miyaga ahi mararka qaarkood ay ku dagaallamaan ceelal biyood iyo daaqsin sida meel kasta ee afrika uga jirto lakiin ma jiri jirin sheegasho beeleed gobollo wixii ka horrey ’91 iyo talisyadii warlord-ismaha.

Federaalku,  ma waxaa weeye aqoonsi iyo jidsiin kala qoqobkii warlord-yadu horseedeen say dadka u kala irdheeyaan, u kala  dilaan deedna midba meel beel ugu horjooge ceejiya ugu noqdo ?

Berbara, Galkacyo, beletweyne iyo Xamar ka maqaam weyne wax loo asteeyo qabiil.

waa meelihi qof kasta ee Somali ahi u ku soo hiran jirey walina u doonayo in ay ahaadaan hoy somaliyeed.

Ma jiro ama waa dhif qof somali reer magaaal ah oo an soo marina ama sii marin, ku nasay, ka danaysan ama wax ku baran Beletweyne.

Ma ka qaadna maqaamkii xarun somaliyeed oo waxaan hoos ugu dhignaa heer degaan beeleed?  Maya!!!,  maya!!!!, maya !!!

Federaalku waa horseed isku dir iyo kala furfur ummadeed oo an ka dhalan wax baahi somaliyeed ah. Waa eray jinni laga soo ergeystay oo nala dhex keenay ayadoo loo soo dhiibay dhuuni raac naf ka doonaya kala qoqobida shacbiga somaliyeed ,anna ujeedin caaqiba xumida arrintani xambaarsan tahay.

Kuwa Somali ku qulaan qulyaynaya federaalku waxay la mid yihiin  oo xagga natiijada isku  meel ku biyo shubanayaan kuwa al-shabaab ee doonaya in ay Somali ku khasbaan diinay leeyihiin waxay bannanaysa dilka xaafidul qor’aaka masjid ka soo baxaya. Federalistaha iyo Al-shabaaka labuduba waxay wiiqayaan midnimada qaranka isku meel yeyna wax u wadaan. Federalismuhu waa wax khasab lagu  dulsaarayo dadka somaliyeed ayagoon doonayn, u baahnayn, usan dantooda iyo  diintooda meel ka soo galin.

Federalka waxaa dadyowga loogu sameeya waa dadaal isku xirid  iyo isku shamiintayn dad an wax badani ka dhaxayn oo kala soocan. Bil caksi somaliyi waa dad isku shamiintaaysan oo dhan kasta iskaga mid ah oo isku milan federalku waa inkiraad midnimadaa oo an geed loogu soo gaban. Waa duullaan qayaxan oo lagu jidaysanayo burburinta shamiintada adag ee isku haysa ummadda somaliyeed.

N.B. maqaalkani ma aha mid xag kasta dhammaystira  logumana talo galin saas, ujeedadiisa kali ahi waa dood an muran ahayn furid iyo baraarujin.

Cabas C. Cabdullahi

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles, Wararka Maanta.
« »

Comment: